Saturday, December 25, 2010

Baay iyo Jubadda Hoose oo Iska Reebay Sanaag iyo Galguduud una Gudbay wareegga 8da Gobol.

Waxaa maanta lasoo afmeeray wejiga kowaad ee koobka ciyaaraha gobolada Soomaaliya ee kasoconaaya magaalada Garoowe.
Afar goboll oo ku jira Group-ka u dambeeya ee Group D ayaa maanta wada kulmay,waxaana kasoo baxay labo koox oo u gudbay wareega 8-kooxood.

Baay Vs Galguduud

Xulka gobolka Baay oo lahayd hal dhibic kuna jirtay kaalinta u dambeeysa ee Group-kaan ayaa maanta la timid ciyaar aad loogu qancay.
Qaybtii hore ee ciyaartaan waxaa ay kusoo dhamaatay hal gool iyo eber oo ay ku hogaaminaysay xulka gobolka Baay.

Ciyaaryahanada gobolka Galguduud ayaa qaab ciyaareedkooda wax ka bedelay qaybtii dambe iyagoo isku deyey in ay la yimaadaan hal gool isla markaana aad u diidanaa in ay ka haraan ciyaarahaan.

Xulka gobolka Baay waa ay sii wadaan weerarkooda,waxaana ay dhaliyeen labo gool oo dheeraad taas oo niyad jab weyn ku riday xulka gobolka Galguduud oo ka rajo beelay usoo bixida wareega 8-da kooxood.
Ciyaartaan ayaa kusoo dhamaatay 3-0 oo ay guusha ku raacdey xulka gobolka Baay,waxaana sidaas ku hartay xulka gobolka Galguduud.

Rajada Xulka Baay ee kasoo bixida wareega Group-yada ayaa aad u adkayd,waxaana ay galabta soo bandhigeen ciyaar ka duwanayd labadii ciyaar ee ka horeysay iyadoo mar laga badiyey marna ay bareejo gashey.

Jubadda Hoose Vs Sanaag

Xulka gobolka Sanaag iyo Jubadda Hoose ayaa ciyaartaan aad u daneynaayay midkii inuu qaato saddexda dhibcood,waxaana ay u tartamayeen sidii ay usoo bixi lahaayeen wareega Quarter final-ka.
Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-1,waxaana goosha ku horeysay Sanaag balse waxaa soo bareejeyey Jubadda Hoose.

Qaybtii dambe ayaa markii la iskusoo noqday gool rigoore ah heshay Jubadda Hoose oo ay ka faa’ideysteen.
Ciyaartu waa sii socotay qaybihi dambe iyadoo ay marayso ayaa xulka Jubadda Hoose u suuragashay in ay dhaliyaan goosha saddexaad,taas oo ky xaqiiqsadeen in ay usoo gudbeen wareega 8-kooxood.

Xulka Jubadda Hoose ayaa galabta 3-1 uga adkaatay Xulka Sanaag,waxaana sidaas ku hartay Xulka gobolka Sanaag oo saddexdii ciyaar ay ciyaartay labo kamid ah laga badiyey halka kan kale ay badisay.

Group D waxaa sidaas kasoo baxay Xulalka Jubadda Hoose oo kusoo baxday 7-dhibcood iyadoo aan marna laga badinin iyo xulka Baay oo kusoo baxday afar dhibcood.
Gobolada u soo wabaxay wareega 8-da ayaa kala ah:
  • Mudug
  • Hiiraan
  • Banaadir
  • Shabeelada Dhexe
  • Bari
  • Nugaal
  • Jubadahoose
  • Baay
Maalinimadii berito waxaa lagu wadaa in si rasmi ah ay u bilaabmaan ciyaaraha wareega Quarter Final-ka ama wareega 8-kooxood,waxaana kulmi doona 4 xul waan idiin soo gudbin doonnaa.


0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey