Saturday, December 18, 2010

Gobolada Jubada hoose iyo Baay oo Galabta isku hardiyay Koobka gobolada

Waxaa goor dhow soogabagaboobay groub-ka 4aad ee cayaaraha gobolada soomaaliya oo kasocda magaalada Garoowe ee caasumada dowlada Puntland
.

Groub-kan ayaa waxaa kuwada jira Gobolada kala ah Sanaag,Galgaduud,Bay iyo J.hoose.

Qatbtii hore ee ciyaarta ayaa maanta waxaa wada cayaaray gobolada Sanaag iyo Galgaduud taas cayaartodii ay kusuu dhamaatay 1-2 oo ay guushu kuraacday gobalka galgaduud ee bartamaha soomaaliya.

Waxaa qaybtii labaad ayaguna madaxa isgashaday gobolada Bay Vs J.hoose cayaartan ayaa kusoo afjarantay kuna soo dhamaatay 3-3 oo ay labadea gobal iskubarbardhaceen.

Wareegii hore oo ay gobolada mid halmar is arkenn ayaa sidaa kusoodhamaaday ayadoo gobolada iminka guulaystay ay kalayihiin Nugaal,Bari,Sh/dhexe,Galgaduud iyo J/hoose

Gobolada barbardhaca galay ayaa ay kala yihiin Mudug,Banaadir,Sool,Gedo,Bay,J.hoose,-gobalda laga badiyay ilaa iyo imnka ayaa noqonaaya Sh/hoose,Sanaag,,J/dhexe iyo Bakool.

Waxaase wali ayadu cayaarin gobalka hiiraan oo markaasi faqad ama dheraad ku ah gobalda Nugaal iyo Shabeelada hoose ayadoo dhanka kale lafilaayo in ay cayaartoy kasocota gobalada maaamulka somaliland ay soo gaari doonaan magaalada garoowe.

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey