Thursday, December 16, 2010

Kooxda lagu magacaabo Jundu Allah oo sheegatay mas’uuliyada qaraxyadii ka dhacay dalka Iran

Jamaacada Jundu Allah ee sunniga ah ayaa shaaca kaqaaday in ay mas’uul ka tahay laba weerar oo lala beegsaday misaajid shiicadu leedahay oo ku yaal magaalada Shaahbahaar eekoonfurta beri Iran
Qaraxyada ayaa sababay dhimashada 38 qof halka tobnaan kalana ay ku dhaawacmeen.

Bayaan lagu faafiyey barta internet-ka ay kooxdu adeegsato ayaa lagu sheegay in qaraxyadaasi ay kooxdu la beegsatay waxa ay ku tilmaamtay in ay ahaayeen calooshood u shaqeystayaal iyo ilaalada kacaanka Iran, islamarkaana qaraxa uu kadhacay magaalada Shaahbahaar.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in qaraxyadani ay jawaab u ahaayeen dilkii hogaamiyahooda C/maalik Riiji oo ay xukuumadda Tehran bishii February ay gacanta ku dhigtay islamarkaana bishii June ee sanadkan maxkamdi ay dil kuxukuntay.

Kooxda ayaa ku baahisay internet-ka sawirada laba qof ay ku sheegtay in ay ahaayeen kuwii fuliyey qaraxyadaasi ,kuwaasi oo labisnaa suumanka qaraxyada loo adeegsado.

Dhanka kale ra’iisal wasaare kuxigeenka arrimaha amniga ninka lagu magcaabo Cali C/aahi ayaa sheegay in qaraxyadii kadhacay Misaajidka uu muujinayo in kooxo uu ku tilmaamay argagaxiso oo gacan ka helaya sirdoonka reer galbeedka ay kulugu leeyihiin qaraxyadaas.

Mas’uulku waxa uu intaas ku daray in kooxda Jundu Allah ay ka howlgasho gudaha dalka Pakistan islamarkaana taageero ay ka hesho dowladda mareykanka balse mareykanku eedeentaas waa uu ku gacan seeray.

Wasaaradda arrimaha dibadda mareykanka ayaa bishii la soo dhaafay ku dartay kooxda Junu Allah liiska waxa loo yaqaan ururada argagaxisada.

Bashiir Daahir Dhabayaco
Melbourne - Australia

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey