Sunday, December 19, 2010

Shabeelada Hoose Oo Hartay,Banaadir iyo Sool oo Barbar dhac Galay

Waxaa maanta lagu guda galay wareega labaad ee ciyaaraha gobolada Soomaaliya,waxaana kulmay afar kooxood oo kuwada jira labada Group ee u horeeya ee Group A iyo B.


Hiiraan Vs Shabeelada Hoose

Ciyaartaan ayaa lahayd labo weji maadama xulka Shabeelada Hoose ay aad u baadi goobaysay saddex dhibcood si ay u badbaado iyo Xulka gobolka Hiiraan oo ahayd ciyaarti u horeysay ay dheelaan,waxaana ay labadaan ku jiraan Group A ee u horeeya.

Shabeelada Hoose ayaa lasoo gashey dardar iyo awood xoogan oo ay ku doonayeen in ay badiyaan ciyaarta,waxaana qaybtii hore ay dhaliyeen hal gool oo lagu kala nastay.


Balse qaybihi dambe gobolka Hiiraan waxay lasoo baxeen ciyaar wanaag iyo weeraro isdaba joog ah oo ay ku qaadeen goolka Shabeelada Hoose,waxaana ay dhaliyeen gooshii lagu lahaa.

Ciyaarta oo socota kuna dhow dhamaad ayaa Hiiraan dhaliyeen gool kale taas oo naxdin iyo maskax xanuun ku noqotay Shabeelada Hoose,balse xulka S/Hoose sidaas kuma aysan niyadjabin oo waxay sameyeen wax weliba oo ay ku doonayeen in natiijada ay ka dhigaan barbar dhac waxaana ay la yimaadeen goolkii labaad oo ay niyada ku dhisteen.

Gobolka Hiiraan ayaa u muuqatay mid kasoo horjeeda bareejada,waxaana ay dhaliyeen mar kale gooshii saddexaad oo wadno qabad ku noqotay Shabeelada Hoose.


Ciyaartaan waxaa ay kusoo dhamaatay 3-2 oo ay guusha raacday xulka gobolka Hiiraan oo ciyaartooda u horeysay kasoo hoyey saddex dhibcood,sidaasna waxaa ku hartay xulka gobolka Shabeelada hoose oo mar labaad maanta laga badiyey isla markaana wax dhibic aan helin tan iyo markii ay bilawdeen ciyaarahaan.

Shabeelada Hoose waxaa ay noqotay gobolkii u horeeyey oo ka hara ciyaaraha gobolada Soomaaliya,waxaana Group A ka harsan hal ciyaar oo ay wada ciyaari doonaan Nugaal iyo Hiiraan.

Waxay ciyaartaan lahayd ilgaar ah waayo labadaan koox waxay ku jiraan Group-ka ugu adag tartaan ee Group B.


Xulka gobolka Sool ayaa qaybtii hore ee ciyaartaan dhaliyey hal gool,waxaana ay ka ciyaar fiicnaayeen qaybtii hore xulka Banaadir.

Markii la iskusoo noqday qaybihi dambe ayaa xulka gobolka Banaadir ay la yimaadeen ciyaar u badnayd weerar iyadoo xulka gobolka Sool ay galeen difaac isla markaana niyada gashaday in ay ku badin doonaan halka gool ay lahaayeen.


Ciyaarta oo ku dhowayd dhamaad ayaa boortaha gobolka Sool soo tufay kubad lagu soo laaday,waxaana ka faa’ideystay ciyaaryahan ka tirsan Banaadir oo dhaliyey goosha bareejada.

Dadka daawanaayay ciyaartaan ayaa ku qancin gooshaan,waxaana la isku raacay in kubadda laga xoogay boortaha isla markaana dhaawac dhanka gacanta kasoo gaartay boortaha oo inbadan jiifay garoonka.

Garsooraha Ciyaarta ayaa isagu go’aamiyey in goosha ay tahay mid saxsan iyadoona ciyaartaan kusoo dhamaatay barbar dhac 1-1 oo ay wada qaybsadeen hal dhibic,gooshaas waxaa ka dhashey muran aad u xoogan oo u dhaxeysay Ciyaaryahanada Sool iyo garsooreyaasha ciyaarta.
                                              Daawo Ciyaartii Banaadir Vs Sool


Si kastaba waa markii labaad Banaadir iyo Sool ay wada galaan barbar dhac,waxaana ay leeyihin sidaas labo dhibcood oo keliya waxaana la saadalin karin cidda Group-kaan kasoo bixi doonta,waxaana sidoo kale Group-kaan kuwada jira Gedo iyo Mudug.

Dhanka kale waxaa xusid mudan in Shirkada Golis ay ka qayb qaadatay Isgaarsiinta lagu tebinaayo ciyaarahaan,iyadoo Hay’ada Bisha Cas ay iyaduna adeegyo caafimaad u fidinayso ciyaaryahanada gobolada.

Berito waxaa lagu wadaa in ay kulmaan Afar kooxood oo ku kala jira Group B iyo Group C,waxaana maalinba maalinta ka dambeysa sii xoogeysanaaya xiisaha ay leeyihin ciyaarahaan.


  Xigasho
HorseedMedia

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey