Monday, December 20, 2010

Gobolka Mudug oo 1-0 uga adkaatay Gedo,iyo Gobolka Bari Oo Cashar u Dhigay Bakool (Daawo)

Afar kooxood oo ku kala jiraa Group-yada B iyo C ayaa maanta wada ciyaaray oo qayb ka ah ciyaaraha gobolada Soomaaliya..
Ciyaaraha ayaa maalin weliba yeelanaaya xiiso gaar ah,waxaana lagu guda jira weli wareega labaad ee marxaalada Group-yada.
Mudug Vs Gedo

Ciyaartaan ayaa bilaabmatay duhurnimadii,waxaana ay labadaan koox ka tirsanyihin Group B oo ah Group-ka ugu adag ee tartanka ciyaarahaan.

Xulka gobolka Mudug ayaa qaybtii hore ee ciyaarta dhaliyey hal gool,gooshaas oo ahayd rigoore kadib markii mid kamid ah ciyaaryahanada Mudug qalad looga galay diilinta 18-aad qaybti hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaaminaysay xulka gobolka Mudug.

Qaybihi dambe ee ciyaarta ayaa xulka gobolka Gedo ay lasoo baxeen ciyaar weerar ah taas oo ay ku doonayeen in ay kusoo dhaliyaan gooshii lagu lahaa,balse waxaa difaac adag galay gobolka Mudug oo rabay in ay qaataan saddexda dhibcood.

Ciyaaryahanada gobolka Gedo ayaan ka quusan weerarka,waxaana ay wadeen ilaa iyo markii ay kasoo dhamaanaysay ciyaarta.

Xulka gobolka Mudug ayaa sidaas ku badiyey ciyaarta,waxaana ay hadda hogaaminayaan group-ka ugu adag ee Group B.
                                           Daawo Ciyaratii Mudug Vs Gado
             
Bari Vs Bakool

Ciyaartaan ayaa bilaabmatay markii ay dhamaatay ciyaartii kowaad,waxaana daawanaayay taageerayaal ka kala socday labada dhinac.

Xulka gobolka Bari ayaa soo badiyey ciyaartii kowaad ay dheeleen iyadoo gobolka Bakool aysan wax dhibic lahayn lagana badiyey ciyaartoodi hore.

Ciyaartoyda gobolka Bari ayaa galabta soo bandhigay ciyaar ay kuwada qanceen dadkii daawanaayay,waxaana sidoo kale garoonka ka jirey xamaasad.

Gooshii kowaad gobolka Bari waxay dhaliyeen qaybti hore,waxaana lagu kala nastay sidaas.

Qaybtii dambe ee ciyaarta xulka gobolka ayaa sii watay goolashooda,waxaana ay dhaliyeen saddex gool oo dheeraad ah taasna ay ka dhigtay natiijada ciyaarta 4-0.

Ciyaaryahanka lagu magacaabo Daacad waxaa uu dhaliyey labo kamid ah goolasha,iyadoo Amiin Xassan Daahir iyo Gugume midkii hal gool dhaliyey.

Xulka gobolka Bari ayaa hadda hogaaminaaya Group C,waxaana ay leeyihin 6 dhibcood iyadoo ay u dhiman tahay hal ciyaar.

Rajada xulka gobolka Bakool ayaa aad u yar maadama laga badiyey laba ciyaar ayna u dhiman tahay hal kulan oo keliya,waxaana adag in ay kasoo baxaan Group-kaan oo ay kaalinta kowaad isku haystaan Bari iyo Shabeelada Dhexe.

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey