Monday, December 20, 2010

Dawladda Federaalka Oo Yemen Weydiisatay Maraakiibta Kaluumaysiga

Wasiirka Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Macalin Xassan iyo Safiirka Yemen ee u fadhiya Soomaaliya
 Axmed Cumar ayaa kulan ku qaatay magaalada Muqdisho.

Kulankooda waxaa uu ahaa mid ku sabsanaa Xirrirka ka dhaxeeya labada Dawladood gaar ahaan iskaashiga Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Badda.

Wasiirka Kaluumaysiga ee Soomaaliya ayaa ka codsaday Dawladda Yemen in ay dib usoo celiyaan ilaa 14-markab oo kaluumaysi ah taas oo ay iska lahayd Dawladdi dhexe ee Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya ee Yemen ayaa sheegay in hadii ganacsatada reer Yemen ee sheegtay in lacago ay ku leeyihin Maraakiibtaas helaan ay Dawladda Yemen kusoo wareejin doonto Soomaaliya Maraakiibtaas,waxaana uu tilmaamay in Xukuumadii hore ay sidaan oo kale waydiisatay in lagu soo wareejiyo Maraakiibtaas.

Maraakiibtaas ayaa tan iyo burburkii dowladi dhexe ee Soomaaliya waxaa lagu hayey dekadda magaalada Cadan ee dalkaas.

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey