Wednesday, December 15, 2010

Liis kamida Dadkii Ka Dambeeyey Xasuuqi 2008-dii ee Kenya Oo La Shaaciyey(Daawo)

Maxkamada dambiyada dagaalka ee aduunka ICC (International Criminal Court) ayaa shaacisay raggi ka dambeeyey xasuuqi sanadkii 2008-dii
ka dhacay dalka Kenya xilli uu muran ka dhashey doorashooyinkii madaxtinimada.

Xeer ilaaliyaha maxkamad Luis Moreno Ocampo ayaa ku dhawaaqay ilaa 5-qof oo u dhashey dalka Kenya,waxaana ku jiraa masuul Soomaali ah oo ahaan jirey Taliyaha Ciidamada Booliska.

Sidoo kale liiska waxaa kasoo muuqday Raysalwasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Maaliyadda dalka Kenya oo ah Wiil u dhalay Madaxweynihi hore ee dalkaas Jommo Kenyatta.

Liiska magacyada lagu dhawaaqay ayaa ah sidaan :-

1.Uhuru Kenyatta (Raysalwasaare Kuxigeen ahna Wasiirka Maaliyada)
2.Maxamed Xussein Cali (Taliyihi hore ee Ciidamada Booliska)
3.Henry Kosgey (Wasiirka Warshadaha)
4.William Ruto (Wasiirkii Waxbarashada)
5.Joshua Arap Sanga (Suxufi)
6.Francis Kirimi Muthaura (Xogheyaha golaha Wasiirada)

Qaar kamid ah ragaan lagu eedeyey in ay geysteen xasuuqaas ayaa ka carooday liiskaan,waxaana ay iska fogeeyeen eedeymahaas.

Siyaasiyintaan ayaa xirir dhow la leh labada masuul ee ugu sareeya dalka Kenya ee kala ah Madaxweyne Mwai Kibaki iyo Raysalwasaare Raila Oding oo isku qabsaday xilkaas doorashooyinka balse markii dambe la heshiisiyey.

Xasuuqi sanadkii 2008-dii ka dhacdey dalka Kenya ayaa waxaa ku naf waayay dad lagu qiyaasay 1,220-qof, Halka ay ku wax yeeloobeen in ku dhaw 350,000 oo qof

                              Halkan ka Dawo REUTERS ayaan ka soo xignay
                
 Bashir Dahir Dhabayaco
Melbourne - Australia

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey