Thursday, December 16, 2010

Natiijada Ciyaartii Galabta Dhexmartay Gobolada Banaadir Vs Mudug

Waxa galabta garoonka Mire aware ku hardamay sidaan horay idiinku soo gudbinay afar kooxood kuwaas oo ka kala socday gobolada Somaliya siiba gobolada Sool Vs Gedo oo iyadu aheyd ciyaartii ugu horeysay ee Galabta waxaanay ku dhamatay 3-3 Bar bar dhac,
waxaana ka dib bilaabatay Ciyaartii labaad ee iyadu u dhexeysay gobolada Banaadir iyo Mudug,
Gobolka Banaadir ayaa labadii daqiiqo u horeysay kaarka casaanka loo taagay mid kamid ah ciyaaryahanada kooxdaas taasna ay fursad siisay xulka gobolka Mudug oo weerar ku bilaabay kooxdaas.


Ciyaarta oo socotay mudo ayaa xulka gobolka Mudug la yimaadeen goosha kowaad,waxaana ay niyadjab ku riday ciyaaryahanada gobolka Banaadir.
Xulka gobolka Banaadir ayaa qaybtii dambe kasoo kabsaday niyadjabka iyadoo ay iskasoo dhaadhiciyeen sidii ay ula imaan lahaayeen gool oo ay natiijada ciyaarta wax ka bedelaan.


Ciyaarta oo socotay in mudo ah ayaa xulka gobolka Banaadir loo dhigay gool kulaad ama rigoore waxaa loo yaqaan,waxaana ay sidaas ku dhaliyeen gooshii bareejada.

Ciyaartaan ayaa kusoo dhamaatay 1-1,waxaana ay ahayd sidoo kale ciyaartaan mid aad u xiiso badnayd.

Group-ka B ama groupka labaad waxaa lagu tilmaamay groupka ugu adag,waxaana dhamaan afarta gobol kuwada jira ay hadda wada leeyihin midkii hal dhibic.

Maanta oo aheyd maaalintii labaad ee kulanka gobolada Soomaaliya koobka gobolada ayaa waxaa lagu qiyaasi karey in ay aheyd mid aad u xiiso badneyd islamarkaana ciyaaryahanada gobolada ay soo ban dhigeen ciyaar aad u qurux badan islamarkaana cajab gelisay dhamaan dadkii u soo daawasho tagay iyo weliba inta idaacadaha maxaligaa kala socotayba.

Si kastaba maalinimada berito waxaa ciyaaraya dhamaan afarta kooxood ee ku jira Group C ama groupka saddexaad.


Allhoryaal
G/Mire Aware -Garowe

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey