Monday, December 27, 2010

Gobolada Bari iyo J/Hoose oo u Soo Baxay Wareega Semi Final-ka

Xulalka kubadda cagta ee gobolada Bari iyo Jubadda Hoose ayaa maanta usoo baxay wareega afarta kooxood ee Semi Final-ka.
Ciyaaraha ka dhacay maanta garoonka kubadda cagta ee Mire Awaare ayaa gunaanad u ahaa wareega Quarter Final-ka ama 8-kooxood.


Bari Vs Baay

Ciyaartaan oo ahayd tii kowaad ayaa ahayd ciyaartii ugu xiisaha badnayd ee maanta,waxaana ay labadaan xul soo bandhigeen ciyaar aad lagu wada qancay iyadoo ay kasoo qaybagaleen taageerayaal badan oo ka kala socday labada dhinac.
Xulka gobolka Baay ayaa u suurtagashay in ay dhaliyaan goosha koowaad oo u dhaliyey ciyaaryahankooda Nuur Xaaqoow,waxaana daqiiqado kadib gobolka Bari la yimaadeen goosha bareejada oo u dhaliyey laacibkooda Zaki.
Ciyaaryahanada gobolka Baay ayaa mar kale dhaliyey goosha labaad oo uu u saxiixay ciyaaryahan Maxamed,balse inta aysan dhamaan ciyaarta ayaa soo bareejey ciyaaryahanka gobolka Bari Samiir,sidaasna lagu kala nastay qaybtii hore.
Qaybtii dambe markii la iskusoo noqday ayaa labada gobol sii wadeen ciyaarta ku dhisnayd hab weerar iyo weerar celis,waxaana ay labada dhinac iska khasaariyeen fursadooyin muhiim ah.
Xulka gobolka Bari ayaa ciyaarta oo ku dhowayd dhamaad dhaliyeen gooshi bareejada oo ula yimid ciyaaryahan Daacad,waxaana ay ciyaartu kusoo dhamaatay 3-2 oo ay guushu ku raacdey gobolka Bari.

Ilaa laga gaarayo 1:45min waa dhamaadkii ciyaarta oo si qaldan horey u soo martey
Xulka kubadda cagta ee gobolka Bari ayaa sidaas u baxay wareega afarta kooxood ee Semi Final-ka,iyadoo xulka gobolka Baay oo iyana maanta soo bandhigay ciyaar aad u xiiso badnayd ka hareen tartankaan.

Jubadda Hoose Vs Shabeelada Dhexe

Inkastoo ciyaarta labadaan gobol ay ahayd mid adag oo labada kooxoodba dhanka difaaca xooga saareenmid xiiso badan ayaa haddana labada gobolba ay ku dedaalayeen sidii ay ku gaari lahaayeen semi-finalka.
Natiijada ciyaartaan ayaa 90-daqiiqo loogu talagalay kusoo dhamaatay 0-0 iyadoo aan wax goolal la iska dhalin,waxaana lagu kala saaray rigooreyaal.
Xulka gobolka Shabeelada Dhexe ayaa dhaliyey labo rigoore iyadoo laga qabtay labo kale,Xulka Jubadda Hoose waxay dhaliyeen saddex rigoore lagana qabtay hal kale.

Xulka Jubadda Hoose ayaa sidaas ku badisay ciyaartaan,waxaana ay u baxeen wareega Semi Final-ka.
Galabta waxaa tartanka ka haray xulalka gobolada Baay iy Shabeelada Dhexe,waxaana wareega Semi Final-ka u baxay Xulalka gobolada Bari iyo Jubadda Hoose.
Berito oo ay bilaabman doonto wareega afarta kooxood,waxaa ay ciyaar dhexmari doonta xulalka Banaadir iyo Nugaal oo ahaa xulalkii u horeeyey ee u soo baxay wareegaan.

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey