Friday, December 24, 2010

Nato oo qiraty dilka labo rayid Afganistaaniyiin ah.

Ciidamada isbaysiga Nato ee Afganistan ayaa qirtay dilka labo rayid Afganistaniyiin ah xili ay wadeen howlo baaritaan ah,iyadoona saraakiisha ugu sarsaraysa ee dalkaasi
ay sheegeen in ay ka xunyihin,laakiinse ay sidoo kale rayidka dhintay madax adaygoodii ay eedeynayaan.


Labada qof ee Rayidka ah ayaa dhintay kadib markii sida ay sheegtay Nato ay ka dhaga furaysteen digniin ay siiyeen Ciidamadooda xili ay baaritaan ku hayeen gaadiidka,iyadoona markii ay si xoog ah ku gudbeen ay ciidamada Nato rasaaseyeen.

Ciidamada isbahaysiga Nato ee Afganistan oo aan horay inta badan loogu aqoon jirin in ay ka hadlaan dilalka ay u gaystaan rayidka Afganistan ayaa waxaa uu dilkan labada rayidka uu noqonayaa qirashada aadka u yare e ay ka bixiyaan mararka qaar marka ay dil noocaas oo kala ah u gaystaan rayidka Afganistan.

Nato waxaa horay loogu eedeyn jiray dil wadareed loo gaystay rayid badan oo ku dhaqan Koonfurta Afganistan,iyadoona duqmaymaha cirka ay ahaayeen kuwa ugu badan ee lagu dhibaateeyo rayidka Afganistaaniyiinta eek u sugan deegaanada buuralayda ah ee Koonfurta Dalkaasi.

Isbahaysiga Nato waxaa ay sidoo kale qirteen in ay tobanaan Ciidamadooda ah ay dhinteen bilihii aynu soo dhaafnay,iyadoona khasaaraha ugu badan ee soo gaaray u uga yimi Dagaalyahanada Daalibaanka

Allhoryaal @ SBC-Bosaso

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey