Monday, December 20, 2010

Baarlamaanka Puntland Oo Isku Raacay In La Raro Bakhaarada WFP ee Garoonka Diyaaradaha Bosaaso

Baarlamaanka Puntland ayaa kalfadhi ay maanta ku yeesheen magaalada Garoowe cod u qaaday Bakhaarada Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada aduunka
ee WFP ku leedahay garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaaso.

Kalfadhiga maanta waxaa shir gudoominaayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdirashiid Maxamed Xirsi,waxaana kasoo qaybgalay inka badan 35-mudane.

Xildhibaanada ayaa intaas kadib codka u qaaday mooshinka ka dhanka Bakhaaradaas oo ay dhowaan soo gudbiyeen ilaa 7-kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo kasoo jeeda gobolka Bari.

Shaybe Sheikh Maxamuud oo kamid ah mudaneyaasha Baarlamaanka oo kulanka kadib wareysi siinaayay warbaahinta Horseed Media ayaa sheegay in kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen 40-mudane ay isku raaceen in laga raro Bakhaaradaas halkaas iyadoo mid kamid ah mudaneyaasha uu

Wuxuu sheegay in Xildhibaanada ay isku raaceen in Bakhaaradaas ay halis ku yihin amniga diyaaradaha ka duulaya kana soo degaya garoonka.

Dhanka kale wuxuu shaaca ka qaaday in Baarlamaanka ay ansixiyeen maxkamada sare ee Puntland oo ka kooban Gudoomiyaha,Xeer ilaaliyaha iyo 5-kamid ah Garsooreyaasha,isagoo sidoo kale sheegay in ay codka kalsoonida siiyeen Hanti dhowrka guud ee Puntland.

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey