Saturday, December 18, 2010

Xulka Gobolka Galgaduud oo 2-1 kaga badiyey Xulka G/Sanaag

Ciyaartii u dhaxeysay xulalka gobolada Galguduud iyo gobolka Sanaag ayaa goor dhowayd kusoo dhamaatay garoonka kubadda cagta ee Mire Awaare.

 Labadaan xul waxaa ay ku jiraan Group-ka afaraad ee loo yaqaano Group D,waxaana ay ciyaartu bilaabmatay duhurnimadii maanta iyadoo ay soo dhamaatay galabnimadii ee saacada Geeska Afrika.

Xulka gobolka Sanaag ayaa dhaliyey gooshi kowaad ee qaybti hore ee ciyaarta iyadoo xulka gobolka Galguduud laga ciyaar fiicna qaybihi hore ee ciyaarta.

Qaybta dambe ayaa markii la iskusoo noqday xulka Galguduud wax ka bedeleen qaab ciyaareedkooda,waxaana ay weerar xoogan ku qaadeen goolka xulka gobolka Sanaag.

Ciyaaryahanada Xulka gobolka Sanaag ayaa awoodi waayey in ay iska difaacaan weerarka lagu soo qaaday,waxaana laga dhaliyey labo gool oo looga adkaaday.

Xulka gobolka Galguduud ayaa sidaas ciyaarta ku badiyey 2-1,waxaana ay leeyihin 3 dhibcood.

Ciyaarta Galinka danbe dhacaysa ee Bay  Vs Jubada Hoose waan idiin soo gudbinaynaa Haddii Alle idmo ee la socda.

.

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey