Sunday, December 19, 2010

Madaxweynaha Jabuuti Oo Ugu Baaqay Aqoonyahanada Soomaaliyeed In ay Wax Ka Qabtaan Xaaladda dalkooda

Shir ay leeyihin Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa kasocda magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyada   Jabuuti,waxaana ay aqoonyahanada ka kala yimaadeen gobolada kala duwan ee dalka Soomaaliya.
Aqoonyahanadaan waxaa ay shirkaas ku falanqeynayaan sidii xal loo heli lahaa mushkilada daba dheeratay ee ka jirta gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaacil Cumar Geelle ayaa ka hadlay shirkaas,waxaana uu ugu baaqay aqoonyahanada Soomaaliyeed in ay wax ka qabtaan xaaladda dalkoodi Hooyo.

Wuxuu intaas ku daray in Aqoonyahanada Soomaaliyeed ay waajib ka saaran tahay sidii xal loogu heli lahaa colaadaha kasoconaaya qaybo kamid ah Soomaaliya.

Shirka Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa inuu soo dhamaado maalinimada berito,waxaana lagu wadaa in ay kasoo baxaan qodobo ku aadan sidii wax lagu qaban lahaa dhibta ka jirta Soomaaliya.

HorseedMedia

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

wararkii ugu danbeeyey