Thursday, December 23, 2010

Miisaaniyada 2011-ka Oo Loo Qaybiyey Baarlamaanka Federaalka


Mudaneyaasha Baarlamaanka Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.



Kulanka maanta ayaa waxaa shir gudoominaayay Shariif Xassan Sheikh Aadan,waxaana kasoo qaybgalay Xildhibaano badan iyadoo kulanka uu soo dhamaaday duhurnimadii maanta.

Xildhibaanada ayaa loo qaybiyey qoraalo ku saabsan miisaaniyada sanadka 2011-ka oo ay dhowaan soo gudbisay Xukuumada Raysalwasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan ayaa kulanka kadib saxaafada u sheegay in Xildhibaanada loo qaybiyey waraaqaha miisaaniyada ayna soo akhrisan doonaan.

Waxaana kulanka xiga uu dhici doona maalinimada sabtida ee soo socota oo ku beegan 27.12.2010,waxaana maalintaas cod loo qaadi doona miisaaniyada.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in miisaaniyada iyo amniga ay isugu xiranyihin isagoo rajo ka muujiyey in la ansixiyo miisaaniyada.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wax kulan ah yeelan tan iyo wixii ka dambeeyey ansixinta Xukuumada Farmaajo,waxaana dhowaan ay ahayd markii loogu baaqay Xildhibaanada ku maqan dalka dibadiisa in ay dalka kusoo laabtan.

HMedia-Bosaso
P/Land- Somalia

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey