Saturday, December 25, 2010

Wajigii 1aad ee Ciyaaraha Gobolada oo Maanta Soo Xirmaya iyo Wareegga 8-da oo Loo Gudbaayo.

Wareega saddexaad ee koobka ciyaaraha gobolada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta si rasmi ah loo soo gaba gabeeyo,iyadoo ay wada ciyaari doonaan afar kooxood oo ku jiraa Group D ee u danbeeya.
Kooxaha maanta wada ciyaari doonaa ayaa kala ah;
Baay vs Galguduud
Sanaag vs Jubada Hoose
Group-kaan ayaa waxaa 4-dhibcood ku hogaaminaysa Xulka Jubada Hoose,waxaana kusoo xiga Sanaag iyo Galguduud oo midkii leh saddex dhibcood balse waxaa kaalinta labaad ku jirta Sanaag oo ka goolal badan Galguduud.
Waxaa adag in la saadaliyo cidda sida rasmiga ah uga soo bixi doonta Group-kaan,waxaana la doonaaya in labo xul ay soo baxaan.
Labada xul ee kasoo bixi doonta ayaa ku biiri doona lix kooxood oo u gudbay wareega 8-kooxood,waxaana lixda kooxood ay kala yihin;

Banaadir ,Nugaal,Mudug, Shabeelada Dhexe,Hiiraan iyo waliba Gobolka Bari

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey