Thursday, December 23, 2010

Nugaal oo Ka Badisey Hiiraan iyo Jubada Hoose oo ka Talaabsatey Galguduud


Ciyaaraha gobolada Soomaaliya ee ka socda magaalada Garoowe ayaa galay todobaadkii labaad iyada oo is aragii labaad ee goboladu soo afjarmey.

Ciyaarihi maanta dhacay waxaa u horeysay ciyaartii dhexmartay xulalka gobolada Galguduud iyo Jubadda Hoose,iyadoo ay ka dambeysay ciyaartii aadka loo sugaayey ee Nugaal iyo Hiiraan.

Xulka gobolka Jubadda Hoose ayaa si fudud duhurkii maanta uga adkaaday xulka gobolka Galguduud.
Galguduud oo ciyaartoodi hore ka soo badiyey Gobolka Sanaag ayaa doonaayey maanta in ay mar kale badiyaan oo ay hantaan lix dhibcood,balse taas waxaa diiday Xulka Jubada Hoose
Xulka Jubadda Hoose ayaa qaybtii hore ee ciyaarta dhaliyey labo gool oo ay ku xanuunsadeen Galguduud,waxaana uu kala dhaliyey ciyaaryahanada Janaale iyo Sugule.

Markii la isku soo noqday qaybtii dambe ayaa xulka Galguduud la yimaadeen hal gool oo u saxiixay Yaxye.
Xulka Jubadda Hoose ayaa intaas kadib heegan galay iyagoo kasoo horjeeday in laga dhaliyo goosha bareejada,waxaana ay sii raacsadeen gooshii saddexaad oo u dhaliyey ciyaaryahan lagu magacaabo Cabdulqaadir.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-1 oo ay guusha raacday xulka Jubadda Hoose oo haatan Group D ku hogaaminaaya 4 dhibcood iyadoo ciyaartii hore ay bareejo la galeen gobolka Baay.

Labadaan koox waxaa ay hore ugu soo gudbeen wareega 8-aad,waxaana ay ku jiraan Group A. Xulka gobolka Hiiraan waxaa ay qaybtii hore ee ciyaarta la yimaadeen hal gool,waxaana u saxiixay ciyaaryahankooda Bile, xulka gobolka Nugaal ayaa la yimid labo gool oo qaybti hore ee ciyaarta ku dhamaatay 2-1.

Qaybtii dambe ee ciyaarta markii la iskusoo noqday Nugaal waxaa ay sii wateen goolashooda,waxaana ay dhaliyeen gooshii saddexaad.


Hiiraan waxaa ay qaadeen weerar,waxaana ay soo dhaliyeen gooshooda labaad,balse waxaa goosha afaraad raacsaday Nugaal.
Ciyaarta oo ku dhowayd dhamaad ayaa xulka gobolka Hiiraan dhaliyey gooshii saddexaad,waxaana ay isku deyeen in ay dhaliyaan gooshii afaraad balse uma suuragelin.


Goolasha Nugaal waxaa labo kamid ah dhaliyey Maxamed Timajilic,iyadoo min hal gool ay raacsadeen Albaani iyo Yaxye.


Xulka gobolka Nugaal waxaa ay ku badiyeen galabta 4-3,waxaana ay usoo baxeen wareega 8-aad iyagoo leh lix dhibcood iyadoo aan wax kulan ah laga adkaan.
Hiiraan sidoo kale waxaa ay usoo gudbeen wareega 8-aad iyagoo leh saddex dhibcood,waxaana Group A ka haray xulka Shabeelada Hoose oo laga badiyey dhamaan ciyaaraha.


Garoonka kubadda cagta ee Mire Awaare galabta waxaa ku badnaa taageerayaasha gobolka Nugaal,waxaana xusid mudan in ciyaartaan ay ahayd mid aad u xiiso badnayd.


Waxaan idinka raalli galinaynaa Daahida Natiijooyinka Ciyaarahaan oo dhanka Netka ahaayd la socod wanaagsan qaybaha kale ee ciyaaraha iyo wararkaba



0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey