Thursday, December 16, 2010

Sool iyo Gedo oo Barbardhac Galay, Mudug iyo Banaadir oo soo food leh in yar kadib

Cayaaraha gobolada Soomaaliya ayaa si habsamileh uga bilowdey magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Soomaaliyeed ee Puntland. Cayaartii lagu furey ee shalay dhexmartey Gobolka Nugaal oo marti gelinaaya ciyaaraha iyo Shabeelada Hoose ayaa gobolka Nugaal u suurta gashey
 in ay 1:0 uga badiyaan Shabeelada Hoose, oo ay ka wada tirsan yihiin Group-ka A, Isla markaana ay ku hogaaminayaan 3 Dhibcood.

Ciyaar aad u xiiso badan ayaa maanta dhexmartey gobolada Sool iyo Gedo, oo kuwada jira Kooxda B,Ciyaarta ayaa bilaabatay 2dii Duhurnimo, waxaana ay ahayd ciyaar labada gobolba ay muujiyeen dedaal dheeraad ah iyo xirfad sare, waxaana ciyaartu ku soo dhamaatey 3:3 sidaas oo ay ku galeen barbardhac isla markaana ay kala riteen mid hal dhibic.

Hadaba waxaa ka warbixiyey Labada Macalin ee naadiyaasha waxaana ay uwaramayeen Radio Daljir
Macalinka Gobolka Gado Cumar max'uud cabdulle oo ahaan jiray noomayaashi gobolka gado haddana ah macalinka Gobolka Gado ayaa yiri :-
" walaal ciyaarta horta ciyaar waa iska ciyaar ciyaar isma badasho waxaa waaye qolo kasta kartideeda ayay meesha la timaada kalsooni wayn ayaan ku qabaa kooxdayda mana faanaayo oo kuma oranayo waan badinayaa laakiin rajo wayn ayaan ka leeyahay inaan koobka qaadno marka ciyaaartoy tayo lehna waan wataa oo waliba aan ka nimid gobolo fogfog oo caqabado na hortaagnaayeen waliba ay ciyaartoy qarma meel kayimaadeen haddana ilaah waa na keenay ciyaartoydayada tayada leh iyo xirfadayada ayaan ku xisaabtamayaa waxaan kalsooni ku qabaa oo ilaa xad aan jeclahay koobka qaado"

dhanka kale macalinka Gobolka sool ayaa dhankiisa ka hadlay waxa uu ka filayo ciyaarta C/razaaq saalax waxaana hadaladiisi kamid ahaa :-
"ee saleebaanow horta waan ku salaamayaa salaam kadib waxaa weeye diyaar garowgeeni maanta oo kaliya kuma ekeeyne horaan usoo diyaar garownay haddana waxaad moodaa inaan dareenkieennu ka sii duwanyahay dareenkeenni hore maadaama ciyaartu nagu soo dhawaatay waqtigeedi uu yimid oo maanta yahay mooraal ahaan waan udiyaarsanahay fisikal ahaanna waan u diyaarsannahay taktikaal ahanna waan u diyaarsannahay in sha Allah"


Dhanka kale waxaa goor dhaw 3:30ka galabnimo bilaameysa ciyaar aad u xiiso badan taas oo dhexmaraysa gobolada Banaadir iyo Mudug oo ka wada tirsan Group B, waxaana garoonka soo buuxdhaafiyey taageerayaal aad u badan kuwaas oo kala taageersan labada gobol.

haddaba macalimiinta labada Gobol kala layliya oo la hadlayay Idaacadda Daljir ayaa muujiyey rajo aad u wanaagsan waa kanaa Macalinka Gobolka Mudug C/nasir Yusuf Cise (gabshe) oo kulanka galabtaa ka hadlaya, "Een "Bismil laahi raxmani raxim" waxaan diyaar garownay haddaan ka hadlo diyaar garowga inta bini aadmi lagu qiyaaso diyaar garowgiis ayaan diyaar garownay, waxaa weeye waxa aan ilaah ka rajaynayaa inaan ma aragtay ciyaar qurux badan oo wanaagsan soo ban dhigno guushuna gacanta ilaahay bay ku jirtaa laftirkeedana diyaar garow ahaan waan udiyaar garownay markaan ku xisaabtamo ciyaartoydaa garoonka iigalaysa iyo kuwa iifadhiyaba inaan Guulaystana waan rajaynayaa"

Dhanka kalena macalinka Gobolka Banaadir oo sheegay in ay aad udiyaar garoobeen sidii ay guul iyaguna dhankooda u gaari lahaayeen ayna ku soo tashadeen inay koobkaan qaadaan ama kaalin sare ay ka gaaraan ayaa waxaa uu tilmaamay rajadiisa ku aadan ciyaarta maanta in ay tahay mid aad u wanaagsan C/laahi Siyaad Max'ed macalinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu tilmaamay inay tahay markii ugu horeysay ee ay ku ciyaaraan Garoonka Mire Awaare laakiin ay tababar ku qaateen intii ay joogeen ayaa sheegay in ay rajo aad u fiican sugayaan waxaana uu yiri " Bismil laahi raxmani raxiim, kollay waxaanu la ciyaarayno waa rag nala mida tababar ayay soo qaateen annaguna waan soo qaadanay marka waxba dhihimaayo waan ka badinaynaa iyo waa saah midna oran maayo laakiin loolanka naga dhaxeeya kollay waxaan jeclahay inaan annagu ku guulaysano hadduu ilaah yiraahdo"

Isku soo duubo waxaa la sigayaa ciyaarta galabta ka dhici doonta Garoonka Mire Awaare ee dhexmaraysa labada Naadi Ee  Banaadir Iyo Mudug oo dadwaynaha usoo daawasho tagay iyo taageerayaashuba aay aad ugu raiyaaqayaan halka dhagaystayaal badanina ay kala soconayaan idaacadaha maxaligaa ee ka jira Gudaha P/lan waan soo gudbin doonna Natiijooyinka ka soo baxa Labadaan Gobol.

Allhoryaal
G/Mire Awaare - Garoowe

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey