Thursday, December 9, 2010

Ammaanka iyo xasilloonida Somaliya: ku-dayashada tabihii beelaha gudaha

Ammaanka iyo xasilloonida Somaliya: ku-dayashada tabihii beelaha gudaha
Jeremy Brickhill
Lagasoo bilaabo dalka Koonfur Afrika illaa Suudaan, ama Burundi ilaa Saaxil-Caag [Ivory Coast],
 nabad iyo xasilooni kasta oo halkaa ka hirgashay waxaa laf-dhabar u ahaa wada-hadalladii la iskula meel-dhigayey ammaanka. In kastoo ay colaaduhu kala duwan yihiin, haddana arrinka nuxurkiisu wuxuu isugu soo biyo-shubanayaa mudnaantii weyneyd ee la siiyey wax-ka-qabashada hawlihii ammaanka ee aan marna loo dhayalsannin sidii loogu hawl-gali lahaa.

Markaad eegto dhammaan guulihii laga gaadhay colaadihii qadhaadhaa ee Afrika ku baahay, waxaad ka darsi kartaa in, si ay nabaddu u meel-marto, ay qasab tahay in wada-hadallada lagusoo daro qorshihii iyo nidaamkii lagu fulinayey hawlaha ammaan-sugidda. Qorshahaasina waa inuu ahaado mid lagu kalsoon yahay. Tani waxay wax weyn ka taraysaa dhimistii colaadda, iyo maareyntii xurgufyada khilaafaadka leh, waayaha dambe goorta colaaddu dhammaatona waxaa ay tani dhalisaa jawi nabadeed oo xasilan.

Haddaba, si loo helo nidaam si haboon wax u fuliya, ayaa talada ugu wanaagsani ay ku jirtaa in lala socdo hadba heerka marxaladeed ee uu ammaanku ku suganyahay, oo lagu dadaalo wada-xaajood iyo dhex-dhexaadin iyo is af-garasho hadba halkii ay markaa ku habboon tahay.

Ummad ahaan Somalida hawlahooda nabad-raaadinta waxaa udub-dhexaad u ah heshiis ay isku waafaqaan nidaam wadajir looga shaqeeyo qodobbadii ammaanka, kuwaas oo lagu hubiyo in ay dib usoo celiyaan nabad-galyadii magaalooyinka, yereeyaanna dilkii, oo ay keenaan is-aamminaaddii kooxaha dagaallamaya. Marka ay noqoto xubinta siyaasadeed ee qaabbilsan ammaanka Somaliya, waa in halkii talada ugu horreysa laga bilaabi lahaa ay noqotaa fahamka qaababka ay Soommalidu gudhadooda u xalliyaan colaadaha, ama uga heshiiyaan xabbad-joojinta, ama ay u maareeyaan xasilintii ammaanka.

Hase yeeshee, labaatankii sano ee u dambeeyey waxaa ergada caalamku ay iska indho-tireen oo ay garab-mareen xeeladii ay beelaha guduhu ku waajaheen colaadihii deegaannadooda ahaa. Ergada caalamku waxaa ay taas ka door-bideen xeerar ay dibadaha kala yimaaddeen oo ay u adeegsadaan in ay tageero militari ku caawiyaan dawladda, oo dawladduna markaas yeelato xoog aa cidina caabbiyi Karin, Maqaalkani wuxuu falanqaynayaa duruusta laga baran karo tabaha xeeladeed ee ay Somalidu u waajahaan hawlaha maareynta ammaanka.

Dariiqa ugu Wanaagsan ee Wax Lagaga Qabto Ammaanka.

In bartii qummaneyd wax laga abbaaro aya, sida ay muhimka u tahay, waxaa tilmaamay Juuliyaan Hottiinjar [Julian Hottinger] oo isagu waayo-arag u ah hawlaha dhex-dhexaadinta. Wuxuu sheegay in qodobbada ammaan-sugidda loosoo bandhigo golaha shirka oo looga wada-hadlo si turxaan-la’aan ah, oo la islana qiro in qodobbadu yihiin qaar la fulin karo.

Waxaase ayaan-darro ah, in ergada caalamku ay marar aan yarayn iska hareer-mareen ahmiyadda xeeladeed ee ku jirta wada-hadallada qodabada ammaanka. Waa ayaan-darradii ka dhacday wada-hadalladii Daarfuur ee lagu qabtay Abuuja oo kale. Waa la dhayalsadaa. Taasina waa wax indhaha ka ridaya xaqiiqada dhabta ah in qodobbada amnigu yihiin halbowlihii u sal-iyo-baarkaba ahaa qorshaha siyaasadeed gebi ahaantiisaba, una yihiin asaaskii ay ku qabsoomi lahaayeen hawlaha nabad-raadintu.

Hottinjar ayaa sheegay in waayadii hore ay ergada dhex-dhexaadintu aamminsanaayeen in haddii dilka la joojiyo ay hub-dhigistu markaa bilaabmi lahayd, kadibna ay hawlyaridaas ku go’i lahayd colaaddii dadka ka dhexeysey. Xeeladaasina ma aha mid maanta shaqeyneysa,waayo kooxaha dagaallamayaa waxaa ay doonayaan in loo bayaamiyo xaaladda kusoo foolka leh bar horta inta aan hubka laga dhigin. Waa si ay ugu qancaan in dhigista hubku ay tahay mid ay kooxaha oo dhami daacad ka yihiin oo loo siman yahay,si aan hadhow loo kala awood roonnaan. Go’aan lagu degdego iyadoo aan aad loo lafo-gurin xubnihii ammaanka khuseynayey, iyo tixgalin la’aanta qodobkan ayaa labaduba yihiin, haddaba, wax aan lagu faa’iideynin.

Haddana, sidaasoo ay tahay, ayaa labadaas wajiba ay yihiin xeeladda uu caadaystay caalamku ee uu ku waajahay dhex-dhexaadinta Somaliya.

Waayo-aragnimada laga korodhsaday shirarkii lagu guulaystay ee nabad-raadinta ayaa xoog saaraya muhimadda ay leedahay in dhismihii ammaanka loo waajaho qaab wada-hadal ah,wada-hadalladaas oo heerar is-dabajoog ah u kala dhacaya. Heerka koobaad wuxuu ku saabsanyahay xabbad-joojin hirgasha, waayo dagaalkii oo socda ma suurtoobayso in la isugu yimaadda gole shir loo wada dhanyahay. Xabbad-joojinta si wadajir ah loo go’aansado ayaa waxaa ay daliil u noqotaa daacadnimada kooxihii dagaallamayay ay diyaarka ugu yihiin wadahadallo nabad-doon.

Xabbad-joojinta qudheeda ayaa heerar leh, bilowgeeda oo ah: Rajo weyn laga filanaayo in wadahadalladu ay sii socdaan haddii aaan ay dhicin xabbad-joojin dhab ahi.

Heerka labaadi waa marxalad aad u muhim ah. Waa doorka ay xoohuhu ka wada-shaqeeyaan sidii ay isugusoo dhowaan lahaayeen, ay isu aamini lahaayeen dhexdooda, ay isu tanaasuli lahaayeen dhexdooda oo meel dhexe isula dhigi lahaayeen aragtida ay qoloba si ka damacsantahay ammankooda gaar ahaaneed illaa ay aakhirka isla go’aamiyaan wada-shaqayn ay dhammaantood wadajir u xil-qaadaan maamulkii xabbad-joojinta iyo ciidan ku-meel-gaadh ah oo ammaanka ilaalinaysaa. Arrinkani wuxuu wax ka taraa is-aaminaadii kooxaha wuxuuna usii gogol-xaadhaa heerka saddexaad.

Heerka saddexaad waxay ku lug-leedahay is-af-garad kama-dambeyn ah oo lagaga xaajoodo awooddii ciidanka. Waa xubin muhim ku ah heshiisyada nabad-raadinta, waayo, haddii laga booda marxalad lagu meel-gaadho ilaa inta ay aaminaaddi dadaku soo noqonayso,waxaa imanaysa in kolka xabbadda la joojiyo uu halkaa ka abuurmo ciidan sooc ah oo koox kaliya ka kooban oo awooddii oo dhan yeesha, oo ay kooxihii kalena noqdaan kuwo laga awood sarreeyo. Kalsoonidii sidaa ku luntay ayaa, dabadeedna, soo rogaal-celisa dagaalkii. Heshiisyada xabbad-joojinta ee burburana waxaa inta badan saameyn toos ah ku yeesha dayacaad la dayaco heerkii kala-guurka ahaa ee ay marxaladuhu is badelayeen, taasina waa waxa dhantaala hawlihii nabad-raadinta.

Colaaduhu ma wada aha isku mid. Mid waliba waxaa ay u baahan tahay in tabteeda gaarka ah loogu hawl-galo. Sidaa darted, tusaal ahaan asaasiga ah ee kor ku xusan waa in uu ahaadaa mid la rog-rogi karo, oo hadba goobta kolkaa la joogo lagu dabbakho xaalkeeda. Hase ahaatee, ammaanka dhisiddiisa – khaas ahaan goorta uu lulmanayo ama xilli dagaal dabadii ah – ammaanka dhisiddiisa ayaa wuxuu u baahan yahay feejignaan loogu fiirsado guddoominta maaraynta maamulka ammaan-sugidda. Waa talada ay carrabka ku adkayso (OECD DAC) Ururka Iskaashiga Dhaqaale iyo Horumar ee Guddiga
Gargaarka Horumarinta.

Guddoominta maamulka ammaanka

Saddex arrimood oo asaas u ah guddoominta wanaagsan ee maamulka ammaanka ayaa u baahan in lagu nuux-nuuxsado:

1.In la dhiso xarumo taliska ammaanka ah oo kasoo bixi kara fulintii hawlaha ammaanka iyo hawlaha gurmadkaba, oo ahna kuwo qaban kara kormeerka guud ee hawlaha.
2.In la dhiso xeerarkii iyo qodobbadii lagu xukumayay ammaanka, xeerarkaas oo ah kuwo sharciga waafaqsan.
3.In la dhiso nidaam sharci ah oo adeeg gala.

Xeerarkan asaasiga ah ee xukunkii ammaanka oo dimuqraadiga iyo sharcigaba ku fadhiya, ayaa hawl-wadeennada caalamku ay inta badan u qaataan wax dib loo dhigan karo oo ay dhayalsan karaan mararka ay ka talinayaan dhulalka ay ammaan-darrada joogtada ahi ka jirto. Waxaa ay ka door-bidaan oo ay culayskoda oo dhan saaraan sidii baahida ciidanka ay horta u haqab-tiri lahaayeen. Waxaa ay durduro ku hubeeyaan awooddii ciidanka iyo booliska, sidii Somaliyaba ka dhacday oo kale. Tallaabada noocan ahina in aanay noqon karaynin wax xaq ah, ayaa waxaa mar kale tilmaamtay hay’adda (OECD DAC) oo sheegtay in aan ay taasi noqon karayn xeelad lagusii waari doono. Haddaba, ammaanka sugani wuxuu ku dhashaa wada-hadal lagaga doodo sababihii keenay ammaan-darrada,iyo iyadoo nidaam loo diyaariyo ay kooxuhu kaga wada-xaajoodaan qodobbo waafi ah oo xal u noqda dib-usoo-celintii ammaanka iyo badbaadadii.

Tusalooyin badan ayaa aan kalasoo bixi karnaa tabaha ay Somalidu gudahooda uga xalliyaan heshiisyo badan oo ay ku guuleysteen. Tusaal soo socda ayaa si cad aad uga arkaysaa habka wacan ee Somalidu ay u adeegsadeen tiirarka muftaaxa u ah guddoominta wanaagsan ee maamulka ammaanka. Tusaalahani waa kii ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho 2008dii ee ku saabsanaa wada-hadalladii dhex-maray ganacsatadii iyo odayaashii suuqa iyo kooxihii budhcadka ahaa.

Ganacsatadii iyo odayaashii suuqa Bakaaraha ayaa, markii ay arkeen in booliskii dawladda ku-meel-gaadhka ah – iyo xataa taliyihii booliska qudhiisuba – in ay yihiin wax aan la aqoonsayn oo xaq-darro ku dhisan, ayaa waxaa ay abuureen ciidan-beeleed u gaar ah oo iyaga uga shaqeeya hawlihii xabbad-joojinta iyo shaqadii booliskaba. Ciidankoodan cusub waxaa ay ka koobeen xubnihii beesha degaanka oo aan cidna laga reebin dadkii dhibaatadu saamayneysay, oo xataa qaarkood ay ahaayeen kuwo ka tirsanaa booliska dawladda ku-meel-gaadhka ah. Taladii ciidanka waxaa laga dhigay mid hoos timaadda beesha oo ay reeraha beeshu, iyagoo isku-duuban, wadajir u maamulaan. Waxaa halkaa ka abuurmay, kolkaa, ciidan ay dadku ku wada jiraan oo yeesha wax-qabad si tayo roon leh u fuliya hawshii, oo madaxii taladiisuna mid dadka ka dhaxaysa wadajirnimo. Sidaasna wuxuu markaa ku noqdaa xukun ku socda guddoon xaq ah oo kalsooni ka haysta dadka. Waxa kaliya ee uu nidaamka caynkan ahi ku dhashayna waa wada-hadalladii daacadda laga ahaa ee kasoo go’ay beeshii degaanka kolkii ay iyagu isla garowsadeen in nabad la’aantu aanay dan u ahayn reeraha degaanka.

Xeeladda Somalidu Gudahooda uga Xalliyaan Nabadda

Qodobka ay Somalidu isugu af-garan la’dahay joojinta dagaalka aya wuxuu yahay tix-galin la’aanta nidaamkii kala wadi lahaa ammaanka, nidaamkaas oo ah sida aan kor kusoo sheegnay. Tusaalooyin kale oo badan oo ka hadlaya xeeladaha wax-ku-oolka ah ee ay Somalidu gudahooda uga heshiiyaan ayaa waxaad ka heli kartaa darraasaddii cilmi-baadhista ahayd ee ay diyaarisay INTERPEACE ee cinwaankeeduna ahaa PEACE MAPPING Bar-tilmaameedka Nabadda. Faah-faahin ku saabsan darraasaddaas waxaad ka eegi kartaa qaybta 2aad, bogga 45aad. Qoraalladani waxaa ay si weyn garta ugu xaglinayaan aqoonta laga korodhsan karo tusaalooyinka Somalida.

Nidaamka Somalidu ay u qabato hawlahooda ayaa wuxuu muujinayaa arrin kasoo go’ay dadkii degaanka oo ay dadku ku doonayeen nabad-gelyo iyo ammaan iyo bad-baado, iyo in ay bulshadu ku filnaan karto xilqaadkii maaraynta colaadaha marka dawlad la waayo. Somalidu waxaa ay wax ku fuliyaan waa iyagoo yool ka-dhigta in ay abbaaraan sidii dilku uu ku yaraan lahaa ama ugu dabar go’i lahaa, sidii loo daryeeli lahaa bad-baadada dadwenaha, iyo sidii loo ilaalin lahaa xaq-dhawrka xeerka iyo caddaaladda.

Farsamada ay Somalidu ku kala socodsiiyaan wada-hadalladooda waxaa ka mid ah: Colaad Joojin; Kala-Rarid ama Kala-Fogeyn kooxaha dagaallamaya; Xabbad Joojin; Baadi-Sooc oo ah xuduudo kala soocaya goobaha dagaalka iyo gobo ay xabbaddu ka mamnuuc tahay; Isdhaafsiga Maxaabiista; iyo Xereynta Ciidammada.

Dariiqadda beelaha degaanku waxaa ay ku tusaysaa hiddaha qaaliga ah ee ay bulshada Somalidu caadada u leedahay marka ay waajahayaan wadahadallada nabad-raadinta, ama dib-u heshiinta, ama is afgaradka heshiis. Shirarka Somalida waxaa xeer ma-dhaafaan ah u ah in la go’aansado wax la isku af-garto, sidaa darteedna, had-iyo-jeer, waxaa shirarkooda nabad-raadinta kasoo baxa go’aammo la isku af-gartay. Oo maadaama ay cid walba u furantahay in ay diidi karayaan wixii qodobbada aan raalli galineynin, waxaa markaa dhacda in qodobbada la go’aansadaa ay noqdaan kuwii la isku raacsanaa oo kaliya, iyaga oo kaliya ayuun baa dabadeedna xeer noqda ay wadajir u ilaaliyaan kooxihii dagaallamayey oo dhammi.

Waxaa waliba intaa dheeer in Somalidu ay mar walba ugu talogashoin hawshu ay ahaato mid kobcid yeelata. Sidaana waxaad ka arki kartaa hawl walba oo ay Somalidu hoggaanka shirka haysay. Dhaqankani waa mid ku wacnaan lahaa in loo adeegsado goobaha colaadaha dunida oo dhan, iyadoo culayskana la saarayo xilka wadajirnimada loogu siman yahay maamulkii ammaanka iyo heerarkiisa is-bedellada la hurranyahay mara. Dariiqada ay Somalidu ku taliso waxaa kale uu yahay shey hir-galaoo muuqsda oo geed-ka-go’an ah. Wuxuuna ka feejignaadaa wixii carqalad abuuri kara. Waa nidaam ka fiyow noocyada heshiis ee abuura marxaladaha dhaliya ‘Ninkii rooni, reerka ha u hadho’.

Ammaanka, Nabadda, iyo Dawladda

Somaliya waxaa dhacday in hawl-wadeennadii caalamku ay si sahlan uga dhigteen in dhismaha nabadda iyo dhismaha dawladdu ay yihiin wax siman oo isku mid ah. Taasina waxaa ay u keentay in ay ka tallaabsadaan tiirarkii muhimka ahaa ee dhismaha nabadduba ay ku dhisneyd, khaas ahaan wadahadalladii looga heshiin lahaa qodobbo ammaan ku-meel-gaadheed. Waxaase ay beesha caalamka la noqotay in uu xalkuba ku egyahay iyadoo awooddii dawladda dib loosoo nooleeyo.

Hase yeeshee, wuxuu arrinkaasi cabsi iyo tuhun ku abuuray Soomaali badan oo hore ulasoo kulmay xaq-darrooyin fool-xumo leh oo kaga yimid xagga dawladda. Tuhunkaasna waxaa sii huriyay tallaabooyinka loogu dadaalayo sidii dawladda loo xoojin lahaa iyadoo aan, isla mar ahaantaana, la is-weydiinninba talo ay dadku isku raacsan yihiin iyo wax wada-tashi ahba. Haddii inta lagu dhawaaqo xabbad-joojin, isla durtadiiba toos loogu boodo xoojinta ciidanka dawladda, waxaa ay sidaasi ka-dhigan tahay iyadoo beesha caalamku ay kooxihii Somalida ka xayuubiyeen xeerkii laf-dhabarta u ahaa caadada Somalidu kula xaali jireen nabad-dhisidda, xerkaas oo lagama maarmaan u ah heshiis la isku af-garan lahaa; maamul wadajir loogu xil-qaado sugidda ammaanka.

Kasoo qaad shirkii Dhex-dhexaadinta Qarannimo ee lagu qabtay Kenya, 2004tii. Waxaa Somalida shirkaas kasoo qayb gashayay si cad ugu heellanaayeen dhismihii dawlad ku-meel-gaadh ah oo taladeeda loo maamulo wadajir ahaan. Sidaas oo ay tahay ayaa haddana waxaa dhacday in caalamku ay taageereen qorshe qorshe aan runtii ahayn ku-meel-gaadh iyo talo-wadaag midna. Ee wuxuuse ahaa mid ay caalamku si cad ugu taageereen sidii dawladda ku-meel-gaadhka ahi ay u noqon lahayd mid aan lala wadaaagin talada. Bartaana waxaa kasii waday NSSP [Qorshihii Qaranka ee Ammaanka iyo Xasilloonida], qorshehaas oo la asaasay markii dawladda ku-meel-gaadhka ah la sameeyey oo caawimona ka helay beesha caalamka.

NSSP, iyadoo aan waxba tix-galin baahidii loo qabay is-afgarashada iyo wixii ay dawladdu qaban lahayd muddada ku-meel-gaadhka ah, iyo qodobkii ku saabsanaa talo-wadaaggii muddada ku-meel-gaadhka ah eek u qornaa Xeerka Ku-Meel-Gaadhka [Transitional Charter], iyadoo aan intaba tix-galin ayaa NSSP ay ku dhaqaaqday in ay dhisto dhawr laamood oo qaabilsan ammaanka qaranka. Laamahaas oo dhammaantood looga taliyo xafiiska madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa Golaha Ammaanka Qaranka [National Security Council] oo uu madaxweynuhu doortay. Tallaabada noocan ahi waxay abuurtaa xaaladda loo yaqaanno “Ninkii rooni, reerka ha u hadho”. Tallaabada noocan ahi waa xaaladda ay mucaaradkii kasoo hor-jeeday dawladdu u arkaan in ninka hubka dhigaa uu yahay nin is-dhiibay. Marka uu mucaaradku dhigiwaayo hubkana, waxaa dhacda in ninkii roonaa – waa madaxweynaha ee – uu isna ku dhaqaaqo tallaabadii u fududeyd; tallaabadaas oo noqota dagaal culus, taas oo ah tabtii uu yeelay Cabdillaahi Yuusuf ee uu kuna guul-darreystay.

Waddada Nala Gudboon


Madaxweynihii beddelay Cabdillaahi Yuusuf, Sh. Shariif Sh. Axmed, waxaa u furneyd fursad uu wax kaga baddelo qaabkii wax lagaga qabanayey ammaanka Somaliya. Fursaddaas oo ahayd isagoo qaata nidaam ku saleysan is-af-garad iyo talo-wadaag la isla meel-dhigo hannaankii ammaanka. Beesha caalamkana waxaa u furneyd fursad, taasoo ahayd in ay dib uga fiirsadaan aragtidii simaysay dawlad-dhisidda iyo nabad-dhisidda ee ay ula muuqatay in labadaasi yihiin wax isku mid ah.

Tallaabooyin ku saabsan arrinkan waa la isku dayey qaarkood. Bilowgii 2008dii ayaa khubaro ka tirsan waaxda ammaanka ee caalamigu diyaariyeen talooyin ku saabsan guddoonka maamulka ammaanka, oo unasoo bandhigeen Kooxda Caalamiga ee Qandaraasyada Somaliya [The International Contract Group on Somalia] Qodobbadaasi waxaa ay ku lug lahaayeen:

1.Sidii loo hubin lahaa in nidaamka ammaan-sugiddu uu ahaado mid lagaga wada-hadlo shir loo wada dhan yahay, si ay qodobbadii ammaanku u noqdaan kuwo la isku af-gartay.
2.Sidii culays loo saari lahaa in waaxda ku lug leh arrimaha ammaaku aanay dawladda oo kaliya gacanta ugu jirin ee uu maamulkeedu ahaado wax ka dhexeeya maamulkii qaranka.
3.In loogo talo-galo waaxyaha qaabilsan ammaanku in ay ku qotomaan xididdo ku-meel-gaadh ah, si aanay u yeelan sal-ballaadhsi.
4.Sidii loo dhisi lahaa caddaalad waafaqsan xeerka iyo sharciga.

Tallaabooyinka qaabkaas ah ayaa loo adeegsadey shirkii Jabuuti lagu wada hadalsiinayey dawladda ku-meel-gaadhka ah iyo mucaaradkeedii, shirkaas oo ay soo qabanqaabiyeen Guddiga Ammaanka ee Wadajirka ah, ‘Joint Security Council’. Guddigaas oo la asaasay 2008dii, oo beesha caalamku ay cawiyeen, waxaa loo sameeyey in ay u dhexeeyaan dawladda ku-meel-gaadhka ah iyo Ururka Dib-usoo-Celinta Somaliya ‘Alliance for the Restoration of Somalia’, oo ay talo iyo tusaalena ku biiriyaan waaxyaha dawladda ee ammanka qaabilsan.

Guddiga Ammaanka ee Wadajirku (JSC) waxaa ay ku baaqeen in la abuuro nidaam heerarkiisa ammaanku ay gacanta ugu jiraan dhamaaan ummadda Somaliyeed iyo kooxihii dagaalllamayeyba si ay wadajir uga wada-shaqeeeyaan horumarintii nabadda iyo wada-heshiintii Somalida.

Nidaamka gudddoonka wadajireed ee ammaan-sugidda ayaa markii laga leexday keenay dagaalladii kooxaha ee ku fiday badhtamaha Muqdisho ilaa konfurteeda, sannadkii 2009kii. Xaalkii ay siyaasiyiintu u arkeen daawona, wuxuu noqday in ay halkii ku hubeeyaan dawladda iyo ciidankeedii. Waxaa daabdeedna sidaa ku khasaaray tusalooyin badan oo kasoo yeedhayey Guddiga Ammaanka ee Wadajirka (JSC) iyo khubaro caalamka ka tirsan oo ku xeel dheer hawlaha ammaanka.

Guuldarrooyin badan oo isdaba-joog ah ayaa ku dhacay hoggaamintii beesha caalamka. Sidaa awgeed, waa in wax laga baddalo xeeladdii nabadraadinta Soomaaliya. Waa in la qaataa waddo midho dhasha. Waddada nala gudboon, haddaba, waa tabta odayaasha Somalidu ay ugu taliyaan ammaan-sugidda gudahooda oo lagu daro wixii kale ee murti wanaagsan adduunka ah.

ka Bogasho wacan qaybaha nabadda ee soo foodda leh haddii Allaha awoodda lihi uu idmo
Mahadsanid daalacashada qormadaan ugana faa'iidee buloshada Soomaaliyeed awooddaada

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey