Thursday, December 23, 2010

Mudug iyo Banaadir oo u Soo Baxay Wareega 8da Kooxood, Sool iyo Gedo oo Dhulka lagu jiiday Tikitkana Loo jaray.


Waxaa goor dhowayd soo dhamaaday ciyaarihii gobolada Soomaaliya gaar ahaan ciyaarihii dhexmaray afarta kooxood oo kuwada jira Kooxda B.



Ciyaaraha maanta dhacay ayaa ahaa kuwa aad u xiiso badnayd, maadaama gobolkasta uu rajo ka qabey in uu u soo baxo wareega labaad ee isreebreebka, waxaana ay dhexmartay Mudug iyo Banaadir,Sool iyo Gedo.
Mudug Vs Sool
Ciyaartaan ayaa xambaarsanayd xamaasad aad u badan,waxaana labada dhinac soo bandhigeen ciyaar lagu wada qancay iyadoo mid weliba uu doonayay inuu badiyo.
Xulka gobolka Mudug ayaa ku horeeysay goosha,waxaana u dhaliyey ciyaaryahankooda lagu magacaabo Ciise oo dhanka weerarka uga safta.

Daqiiqado kadib ayaa xulka gobolka Sool iyaguna la yimaadeen gooshii bareejada kadib galeen dadaal badan,waxaana u saxiixay ciyaaryahankooda Xini oo dhanka weerarka isna uga saftaa.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa sidaas kusoo dhamaatay,balse markii la isku soo noqday ayaa xulka gobolka Sool qaaday weeraro balaaran oo ay ku doonayeen in goolal hor leh la yimaadan.
Xulka gobolka Mudug ayaa u muuqday kuwo difaac iska galay isla markaana ka hortagaayay weerarada uga imaanayay Sool oo aad u doonaayay in ay badiyaan galabta.
Ciyaartaan ayaa kusoo dhamaatay 1-1 iyadoo ay kala bixi waayeen,waxaana qaybta dambe ee ciyaarta aad u ciyaar fiicneyd gobolka Sool.

Gobolka Sool saddexdii ciyaarood ee ay ciyaareen waxa ay galeen barbardhac, inkasta oo aan marna laga guuleysan haddana waxa ay ka hareen ciyaaraha danbe ee wareega 8da kooxood.


Banaadir Vs Gedo
Xulka gobolka Banaadir iyo Gedo ayaa ciyaartoyda ay ahayd mid lamid ah ciyaartii hore,iyadoo labadaan koox sidoo kale aad u daneynayeen saddexda dhibcood.

Xulka gobolka Banaadir ayaa ku horumaray goosha qaybtii hore,waxaana muddo yar kadib bareejeyey xulka Gedo sidaasna waxaa kusoo dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta.
Qaybtii dambe ayaa xulka gobolka Banaadir heleen fursad gool kulaad ah,waana ay ka faa’ideysteen iyadoo ay sii raacsadeen gooshii saddexaad.

Xulka gobolka Gedo sidaas kuma aysan niyadjebin waxaa ay dhaliyeen gooshii 2aad taas oo naxdin hor leh ku abuurtay xulka Gobolka Banaadir.
Gedo ayaa qaybihi dambe ee ciyaarta qaaday dhowr weerar,waxaana u suurtagali wayday in ay dhashadaan goosha saddexaad ama bareejada ay ku gali lahaayeen.

Ciyaartaan ayaa kusoo dhamaatay 3-2 oo ay guushu ku raacdey gobolka Banaadir.
Goolasha Banaadir waxaa kala dhaliyey ciyaaryahanada lagu kala magacaabo Joon iyo Maxamuud Cabdinuur,iyadoo Gedo mid kamid ah uu dhaliyey Maxamuud Guure.

Kooxda B waxaa sidaas kusoo baxay Mudug iyo Banaadir oo midkii leh 5-dhibcood,waxaana haray Sool oo lahayd 3-dhibcood iyo Gedo oo lahayd hal dhibic.

Waxaa maalinta Barriya la filayaa inay kulmaan Gobolada :-

  • Bakool Vs Jubadda Dhexe
  • Shabeelada Dhexe Vs Bari

Allhoryaal
Garowe

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey