Sunday, December 26, 2010

Xulalka gobolada Nugaal iyo Banaadir ayaa noqday labadii xul ee horeeyey oo u gudba wareega Semi Final-ka.

Garoonka kubadda cagta Mire Awaare ee magaalada Garoowe ayaa waxaa si rasmi ah maanta (Axad) uga bilaabmay wareega 8-kooxood, waxaana kulmay afar kooxood oo usoo baxay wareegaas.
Nugaal Vs Mudug
Ciyaartaan ayaa waxaa daawashadiisa kasoo qaybgalay dadweyne aad u fara badan kuwaas oo aad u xiiseynaayay natiijada
kasoo bixi doonta maadama ay tahay markii u horeysay ay labadaan xul kulmaan intii ay socdeen ciyaarahaan.
Xulka gobolka Nugaal ayaa qaybtii hore ee ciyaarta dhaliyeen hal gool,waxaana u saxiixay ciyaaryahankooda lagu magacaabo Yaxye iyadoo qaybtii hore sidaas lagu kala nastay

Hadaba qaybtii dambe markii la iskusoo noqday ayaa mid kamid ah daafacyada xulka gobolka Nugaal iska dhaliyeen gool taas oo natiijada ciyaarta ka dhigtay barbar dhac ama 1-1.
Xulka gobolka Mudug oo qaybtii dambe ee ciyaarta lasoo baxeen ciyaar wanaag ayaa mar kale laga dhaliyey gool labaad,waxaana u dhaliyey laacibka gobolka Nugaal ee Maxamuud Timajilic.
Ciyaaryahanada Mudug ayaa u adkaysan waayey goosha lagu leeyahay,waxaana ay qaadeen weeraro xoogan oo dhanka goolka Nugaal iyadoo ay iska khasaariyeen fursado muhiim ah oo ay ku dhalin lahaayeen goolal.
Ciyaartaan ayaa kusoo dhamaatay 2-1 oo ay guusha ku raacdey gobolka Nugaal kuwaas oo noqday xulkii u horeeyey oo usoo baxa wareega afarta kooxood ee Semi Final-ka.


Banaadir Vs Hiiraan
Xulka gobolka Hiiraan ayaa qaybtii hore ee ciyaarta helay gool kulaad ama rigoore oo ay dhaliyeen,waxaana qaybtii hore ee ciyaartaan sidaas lagu kala nastay.
Xulka gobolka Banaadir ayaa qaybihi dambe markii la iskusoo noqday sameeyey dadaalo badan,waxaana ay iyana heleen fursad rigoore ah oo ay ka faa’ideysteen ama dhaliyeen sidaas oo ciyaarta ku noqotay bareejo.
Ciyaaryahanada Banaadir waxaa ay sii wadeen weerarkooda,waxaana ay la yimaadeen gool labaad iyadoo ay sidaas ku dhamaatay ciyaartaan oo ay ku badiyeen 2-1 xulka Banaadir,waxaana xusid mudan in mid kamid ah ciyaaryahanada Hiiraan lasiiyey kaarka casaanka kadib markii uu sameeyey khalad.
Si kastaba Xulalka Banaadir iyo Nugaal ayaa u baxay wareega afarta kooxood,iyadoo Mudug iyo Hiiraan ay ku biireen kooxihi hore uga haray tartankaan.


Berito oo isniin ah Hadduu Alle iidmo ayaa waxaa lagu wadaa in ay wada ciyaaraan afarta kooxood kale ee usoo baxay wareega Quarter Final-ka oo kala ah;
Jubadda Hoose Vs Shabeelada Dhexe
Baay Vs Bari

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey