Thursday, December 23, 2010

Garoowe:- Isku aadka Ciyaaraha G/Soomaaliya ee maanta (23.12.2010)

Koobka gobolada Soomaaliya ee kasoconaaya magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa guda galay wareega saddexaad ama wareega ugu dambeeya
ee marxalada Group-yada,waxaana lagu wadaa maanta in ay dhacaan kulamo adag.

Afar kooxood oo ku jira Group B ayaa is arki doona,waxaana kooxaha ku jira Group-kaas lagu tilmaamay kuwa ugu adag ee tartankaan,waxaana ay kala yihiin xulalka kulmi doona maanta;

Mudug Vs Sool
Banaadir Vs Gedo
Ciyaarta kowaad ayaa dhexmari doonta xulalka gobolada Mudug iyo Sool,waxaana ku xigi doonta ciyaarta Banaadir iyo Gedo.

Group-kaan waxaa hogaaminaysa xulka gobolka Mudug oo leh afar dhibcood,waxaana kusoo xiga xulka Banaadir iyo Sool midkii leh 2-dhibcood iyadoo ay ugu hooseyso Gedo oo leh hal dhibic oo keliya.

Group-kaan ayaa looga baahan yahay in ay kasoo baxaan labo kooxood waxaana aad u adag in la saadaaliyo labada xul ee kasoo bixi doona.

Allhoryaal
Garoowe

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey