Tuesday, December 21, 2010

Golaha Wasiirada Dawladda Federaalka Oo Kulan ka yeeshay Abaaraha

Golaha Wasiirada Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa yeeshay kulan ay kaga hadlayeen arimaha abaaraha ee ka taagan gudaha dalka Soomaaliya.



Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ayaa waxaa shir gudoominaayay Raysalwasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,waxaana kasoo qaybgalay inta badan Wasiirada.

Afhayeenka Xukuumada Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa kulanka kadib la hadlay saxaafada,waxaana uu sheegay in Wasiirada ay isku raaceen in Wasaarada arimaha gudaha ay guddi ka kooban 5-xubnood u xilsaarto arimahaas.
Waxaa uu intaas ku daray in guddigaas ay u gargaari doonaan dadka ay abaaruhu saameyeen.
Kulanka golaha Wasiirada ayaa qayb ka ah kulamada ay yeeshaan todobaad weliba,waana markii u horeysay ay ka hadlaan abaaraha ka jirey dalka oo saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada.

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey