Friday, December 17, 2010

Xulka Gobolka Bari oo Dhulka Ku Jiidey Xulka Jubadda Dhexe

Ciyaartii xulka gobolka Bari iyo Jubadda dhexe oo bilaabmatay duhurnimadii maanta ayaa goor dhowayd soo dhamaatay iyadoo guusha ay ku raacday xulka gobolka Bari.


Xulka gobolka Bari ayaa ciyaartaan ku badiyey 2-0 oo ay dhaliyeen qaybtii hore ee ciyaarta,waxaana labada gool u kala dhaliyey ciyaaryahanada kala ah Yaasin ‘Robinho’ iyo Daacad.

Ciyaaryahanada xulka gobolka Jubadda dhexe ayaa sameeyey isku deyo badan oo ay natiijada ciyaarta wax kaga bedelayaan,balse xulka gobolka Bari ayaa soo bandhigay ciyaar aad u xiiso badnayd.

Xulka gobolka Bari ayaa hadda hogaaminaaya Group C ama Group-ka saddexaad,waxaana ay leeyihin saddex dhibcood.

Sawirada,Warbixinta iyo Video oo faahfaahsan waan idin soo gudbin doona Insha’allah

   Xigasho
Horseed Media

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey