Wednesday, December 15, 2010

Tabbabar Dalka Uganda Loogu Soo Gaba Gabeeyey Inka Badan 900-askari oo Ka Tirsan Dawladda Federaalka

Dalka Uganda waxaa maalinimadii shalay tababar loogu soo gaba gabeeyey cutubyo kamid ah Ciidamada Dawladda Federaalka ee Soomaaliya,
waxaana Ciidamada tababarka loo soo xirey ay kor u dhaafayaan 900-askari.

Munaasabada tababarka lagu soo gaba gabeynaayay ayaa ka dhacdey xerada Ciidamada oo lagu magacaabo Bihanga,waxaana kasoo qaybgalay madax kala duwan sida Wasiirka Gaashandhiga ee Soomaaliya Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiqi,Wasiirka Gaashandhiga Uganda Dr.Crispus Kiyonga iyo Wakiilo kasocda Midowga Yurub iyo wadamo kale.

Wasiirka Gaashandhiga ee Soomaaliya oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay u mahadceliyey Dawladda Uganda iyo Midowga Yurub qaabka ay isaga kaashadeen tababarkaan isla markaana u heelan yihin xal u helista xaaladda Soomaaliya.

Mudane Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa sheegay in Ciidamadaan ay yihin kuwa sii xoojin doona dagaalka ay Dawladda Federaalka kula jirto kooxaha mucaaradka ee kasoo horjeeda gaar ahaan Xarakada Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa tilmaamay in loo baahan yahay saddex ilaa shan batalyoon oo Ciidamo dheeraad ah kuwaas oo lagu tababaro dalka dibadiisa.

Wasiirka Gaashandhiga dalka Uganda Dr.Crispus Kiyonga oo ka hadlay munaasabada ayaa ku dheeraaday qaabka ay Dawladda Uganda ay kusoo celinayso nabadda Soomaaliya isagoo tusaale ahaan usoo qaatay sidii Uganda ay dalka Tanzania ka caawisay soo celinta nabadda xilligii uu dalkaas Madaxweyne ka ahaa Julius Nyerere.

Wakiilka Midowga Yurub ee dalka Uganda De Visscher ayaa sheegay in sanadka soo socda ay dalka Uganda ku tababari doonaan ugu yaraan 1,000-askari oo dheeraad ah.

Ururka Midowga Yurub ayaa lacag gaaraysa 215-milyan oo Euro ah ku qarash gareeyey tababarka Ciidamada Dawladda Soomaaliya iyo waxyaabo kale oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya.

Xukuumada cusub ee Raysalwasaare Farmaajo ayaa sheegtay in dib u habayn ku sameyn doonto Ciidamada isla markaana wax ka qaban doonto xaaladda amni ee dalka.

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey