Thursday, December 23, 2010

Xukuumadda Oo Beenisay Lacago Lagu Eedeeyay Inuu Lunsaday Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xukuumada Somaliland ayaa beenisay war sheegayay in Chief of Cabinet-ka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali X. Xasan uu lunsaday lacag nus malynuun dollar ah, sida  shalay lagu faafiyay Wargeyska Hargeysa Star.

 War-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa lagu beeniyay warkaasi waxaanu yidhi “Waxa 22-kii bishan December 2010 boga hore ee Wargeyska Hargeisa Star kusoo baxay wax lagu sheegay in uu war yahay balse ah fadeexad qaawan oo uu ula badheedhay in uu wax ku yeelo sharafta iyo karaamada Masuul’yiin Qaranka xilal ka haya oo uu ka mid yahay Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada, Mudane, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo uu ku eedeeyay inuu lunsaday lacag dhan $ 500,000 (Nus Malyuun Dollar).


 Lacagtaas oo sida wargeysku sheegay laga soo qaaday Dekedda Berbera, isla markaana. looguna tallo galay safarkii Madaxweynaha qaranku dhawaan dalka dibediisa ugu baxay. Ugu horeyn, waxa aan halkan ku cadaynaynaa in warkaas wargeysku qoray yahay mid been abuur ah oo sal iyo raad toona lahayn. Mana ahaa markii ugu horeysay ee uu wargeyskani (Hargeysa Star) eedaymo aan jirin, af lagaado iyo been abuur ah kula kaco Masuuliyiinta Qaranka.


 Sida sharciga iyo nidaamka dawligu qorayo, Kharashaadki lagu maamulayay safarka Madaxweynaha waxa sifo sharci ah ku bixisay Wasaaradda Maaliyadda Somaliland. isla markaana, ma jirto haba yaraatee lacagtaas Wargeysku qoray ee laga soo qaaday dekedda Berbera. Taasina waa mid cadaynteeda xukuumadda iyo maamulka dekedda labadaaba laga heli karo. Haddaba, iyadoo loo marayo sifo shuruucda Qarankeena waafaqsan, Madaxtooyada Somaliland iyo mas’uuliinta ay khusaysaaba waxa ay u gudbin doonaan hayadaha garsoorka dacwad ka dhan ah wargeyskaas (Hargeysa Star).

Sidaa darteed, maamulka iyo tafatiraha Wargesyka waxa looga baahan yahay ina ay la yimaadaan cadaymaha ee ay u hayaan af lagaadoyinka iyo eedaha ay kusoo bandhigeen Wargeyska.



Cumar Maxamed Faarax
 Somaliland.org/Hargeysa

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey