Friday, December 24, 2010

Xulalka Bari Vs Sh. Dhexe (1-1) oo u gudbay wareega 2-aad, Bakool oo 5-1 kaga badisay J. Dhexe.

Garowe, Dec 24 - Ciyaaro aad u xiiso badan ayaa galabta ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Mire Awaare ee xarunta D/Puntland. 

Cyaartii 1-aad ayaa waxaa wada ciyaaray xulalka J. Dhexe v Bakool,
halka ciyaartii 2-aadna ay wada ciyaareen xulalka Bari v Sh. Dhexe ee kooxda C. 

Bakool v J. Dhexe (5-1)

Ciyaarta 1-aad ayaa dhex martay xulalka J. Dhexe & Bakool. Ciyaartan ayaa ahayd mid hal dhinac ah oo gebi ahaanba ay ciyaarta bilaw iyo dhamaad ay koontroolkeeda lahaayeen xulka Bakool.

Xulka Bakool ayaa weerar iyo difaac ku gacan sareeyey ciyaarta oo dhan, gaar ahaan qaubtii 2-aad ee ciyaarta, halka xulka J. Dhexe dhinac kasta ciyaarta looga badiyey.

Ciyaarta ayaa ku dhamaatay 5-1 oo ay guushu ku raacday xulka Bakool.

Bari v Sh. Dhexe (1-1)

Ciyaarta 2-aad ayaa ahayd ciyaar aad u adag oo dhex martay labada xul ee ugu dhibcaha badan kooxda C ee Bari & Sh. Dhexe. 

Xulka Sh. Dhexe ayaa gool dhaliyey qaybtii hore ee ciyaarta walow xulka Bari ay la yimaadeen fursado ay gool ku dhalin kareen.

Difaaca xulka Sh. Dhexe ayaa aad u adkaa qaybtii 2-aad ee ciyaarta, inkasta oo xulka Bari uu gool dhaliyey qaybtii 2-aad ee ciyaarta, ciyaartuna ay ku dhamaatay barbardhac 1-1.

Kooxda C ayaa waxaa wareega 2-aad u gudbi doona xulalka Bari & Sh. Dhexe ee midkiiba leeyahay 7 dhibcood, halka xulalka J. Dhexe & Bakool ay ku hari doonaan wareega 1-aad.

Waxaa berri ciyaari doona xulalka Gobolada ku wada jira Groupka D waxaana laga doonaya Labada Gobol ee ka soo baxa inay buuxiyaan wareega 8da gobol e sama finalka waxaana ciyaaraya Gobolada :
- Sanaag v J. Hoose,
- Baay v Galgaduud.

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey