Sunday, December 19, 2010

Raysal Wasaare Farmaajo oo go'aan looga fadhiyo

Ra'iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi, ayaa waxaa soo wajahay arrimo dhowr ah oo ka dhex dhacay xukuumadda oo uu ku khasban yahay in uu ka qaato tallaabooyin si ay hawshu u kala socoto. Iyo si inta ay dowladda wada shaqeyntu kala dhexeyso ay u fahmaan dhabbaha uu doonayo in uu raaco.

Ma la mamnuucay hay'adaha samafalka?

Markii Wasiir ku xigeen ka tirsan xukuumadda cusub uu isku dayay in uu la kulmo hey'adaha gargaarka, waxaa dhacday in qaar badani ay shirkii ka soo qeyb geli waayeen.

Wasiir ku xigeenka Go'aankiisii wuxuu noqday in uu ku dhawaaqo in hey'adahaas oo dhan laga mamnuucay hawshii ay dalka ka hayeen.

Taas waxay la yaab ku noqotay hey'adihii, dadkii gargaarka ka heli jiray iyo dhammaan inta xog ogaalka u ah dhaqnka wadashaqeynta ah ee ka dhexeeya dowladda Soomaalida iyo hey'adaha gargaarka.

Aakhirkii Dowladda waxaa khasab ku noqotay in ay dib u gurasho ka sameyso go'aankaas.

Ma la baarayaa heshiiska Saracen?

Waxaa xigay warar soo ifbaxay oo muujinaya in Dowladda TFG ay heshiis la gashay sharikad Ammaan oo gaar loo leeyahay oo la yiraahdo Saracen.

Waxaa soo ifbaxay waraaq sida muuqata ay qoreen ciidanka AMISOM oo ay ka muuqato sida ay ula yaabeen in Dowladdu ay soo kireysatay hey'ad ammaanka qaabbilsan. AmISOM waxay waraaqdeeda ku weydiineysaa TFG baahida keenta in hey'ad gaar loo leeyahay ay dowladdu soo kireysato? Hawsha ay qaban doontaa waxa ay tahay? Nidaamka hawlgalkoodu waxa uu noqonayo, sida iyaga iyo AMISOM ay u wada shaqeyn doonaan iyo su'aalo kale oo badan.

BBC waxaa iyaduna soo gaartay waraaq uu qoray, Wasiirka Warfaafinta oo markaa ahaa Madaxa Xafiiska Madaxweynaha, taas oo uu ugu jawaabayo AMISOM.

Markii BBC ay la wediisay Wasiirka Arrimaha Dibadda, waxa ay xukuumaddu kala socoto heshiiska iyo in uu faahfaahin dadweynaha ka siin karo, waxaa uu ku jawaabay in ay dowladdu baaritaan ku sameyn doonto heshiiska, inta ka horreysana waan wax war ah laga bixin doonin. Wasiirka oo markaa joogay Addis Ababa, inkasta oo su'aalo badan laga weydiiyay hesiiska, haddana waxaa uu ku soo celiyay isla jawaabtaas.

Laakiin isla maalintaas, Wasiirka Warfaafinta oo isagu joogay Washington ayaa idaacad kale u sheegay in heshiiska ay dowladdu ka warqabto, faahfaahinna waa uu ka bixiyay.
Yaa Soomaalida uga wakiil ah New York?

Arrintaas oo weli taagan, ayaa haddana waxaa soo ifbaxay khilaaf ka taagan Xafiiska Ergada Soomaaliya u fadhida Xarunta Qaramada Midoobay ee New York.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa waxaa uu dib u soo magacaabay in Ciid Beddel uu noqdo ku xigeenka Madaxa Ergada Soomaaliya.

Ciid oo hadda ka hor laga fariisiyay hawshaas, ayaa Dr. Cilmi Ducaale oo ah Madaxa Ergadu waxaa uu ka biyo diiday in uu arrintaa siday tahay u meel mariyo, taas oo keentay in uu Wasiirka u jawaabo una fasiro sababta.
Laakiin Ciid oo u shaqo tegey xafiiska iyada oo aan Madaxa ergadu aqbalin ayaa waxay sababtay in booliiska New York loo yeero si uu u xaqiijiyo in aan fal dambiyeed halkaas ka dhicin.
Laakiin arrintu waxay ka sii dartay markii Wasiirka Arrimaha Dibaddu uu waraaq u qoray Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay oo uu u sheegay in Dr. Cilmi Ducaale, looga yeeray Muqdisho, Ergadana uu mas'uul ka yahay Ciid Beddel. Warqaddaas oo aan Dr. Ducaale weli u hoggaansamin.
Xalku waa maxay?

Marka la fiiriyo, Amarka Hey'adaha Samafalka shaqada looga fariisiyay ee haddana isla markiiba laga noqday, Labada Wasiir ee kala hadlay iyo khilaafka booliisku uu soo dhex galay ee ka taagan New York, waa saddex arrimood oo culeyskooda leh oo ay dowladdu iyadu gacanteeda ku samaysatay.

Waxayna muujinayaan dhowr arrimood.

Marka ugu horreysa waxay muujinayaan in saddexda arrimood midkoodna aan go'aan mideysan looga qaadan fadhiga Golaha Wasiirrada. Waxaa kale oo ay yihiin kuwo ugu yaraan weji gabax ku ah dowladda, Ra'iisal Wasaarahana looga fadhiyo in uu ka qaato kaalin hoggaamineed, oo dhibka hadda dhacayna uu ku xallinayo, kuna xaqiijnayo in aan taas oo kale dib u dhicin.

Xigasho BBC Somali

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey