Tuesday, December 21, 2010

Wasiirka Dastuurka Puntland Oo Ka Warbixiyey Kulan uu kaga Qaybgalay Dalka Ethiopia

Wasiirka Dastuurka iyo arimaha Federaalka ee Dawladda Puntland ayaa dhowaan ka qaybgalay kulan ka dhacay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya
 kaas oo looga hadlaayay arimaha Federaalka.


Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay madax ka kala socotay wadamada Geeska Afrika,waxaana kamid ahaa Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xassan Al-Bashiir,Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame iyo Raysalwasaaraha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isagu matalaayay Dawladda Federaalka.

Dr.Cabdi Xassan Jimcaale oo isagu matalaayay Dawladda Puntland laguna casumay kulanka dhowaana dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland isla markaana wareysi siinayay Horseed Media ayaa sheegay in kulanka looga hadlaayy arimo kala duwan.

Qodobada kulanka lagu soo hadal qaaday oo uu Wasiirku sheegay waxaa kamid ahaa;

■Geedi socodka iyo nidaamka Federaalisimka ( Federalism and Democratization Process)
■Saamaynta ay ku yeelan karto gobolaysiga iyo isu imaadka guud aduun weynaha ee arimaha Federaalka
■Ka hortaga waxyaabaha khilaafaadka iyo waxyaabaha la xirrira maamulka iyo maareynta ee la xirrira nidaamka Federaalka
■Sidii loo horumarin lahaa gobolada si isku mid ah

Wasiirka Dastuurka iyo arimaha Federaalka Puntland ayaa sheegay in qodobada kasoo baxay kulanka uu kamid ahaa in nidaamka Federaalka uusan noqon mid lagu dabaqo dalka isla markaana la fiiriyo duruufaha ka jira dalkaas.

Dhanka kale wuxuu sheegay in ay kulan la qaateen wefdiga kasocday Dawladda Federaalka ee Soomaaliya oo u hogaaminaayay Raysalwasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale wuxuu sheegay in wefdi kasocday Qaramada Midoobay ay kulan la qaateen oo ay kaga hadleen nidaamka uu hore usoo bandhigay Dawladda Maraykanka kaas oo ku saabsanaa inuu caawin doono maamulada Puntland iyo Somaliland.

Kulankii ka dhacay magaalada Addis Ababa ee looga hadlaayay arimaha Federaalka ayaa ahaa kii shanaad oo la qabto.

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey