Monday, December 20, 2010

Qarax ka dhacay Magalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kneya

Magaalada Nairobi qarax ka dhacay bas u socday magaalada Kampala ee Uganda ayaa waxaa ku dhaawacmay inta la og yahay ilaa lix ruux.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya dhimasho laakiin lama hubo.

Ninka ayaa sitay boorso ama shandad qarax uu ku jiro, wuxuuna isku dayay inuu baska fuulo kadibna waa la joojiyay.

Dhaawac ayaa soo gaaray ninka.

Boliiska Uganda ayaa kordhiyay amaanka, iyadoo laga baqaayo inay Al-Shabaab soo weerarto Uganda waqtiga lagu jiro Chrismaska oo ah dhalashadii nabi Ciise.

Taliyaha Boliiska ee dalka Uganda General Kale Kayihura ayaa sheegay inay heleen sir in mintidiinta Alshabaab,Alqacida,iyo kooxo deegaanka ay qaban qaabinayaan weerar.

Wariyaha BBCda ee Kampala ayaa sheegaya in boliiska uu jidadka taagan yahay oo ay baarayaan baabuurta, waxaana la arkayaa boliis taagan baararka iyo maqaayadaha.

Xigasho BBC

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey