Wednesday, December 22, 2010

Washington oo qorsheenaysa weerar dhulka ah in ay ku gasho dalka Pakistan

Wargeyska New York Times oo soo xaganaya saraakiil katirsan wasaaradda gaashaandhiga mareykanka ayaa qoray warbixin uu ku sheegayo in saraakiil katirsan
Pentagon –ka ay wadaan qorshe ku aadan in ciidamada ifintiriiga mareykanka in ay weerar ku qaadaan gobolada ay degaan qabaa’ilka Pakistan .


Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheeggay in saraakiil sar sare oo katirsan maamulka madaxweyne Obama ay ka soo horjeedaan qorashaha fulinta weerar dhanka dhulka ah oo kadhan ah dagaal yahanada ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada shisheeye dalka Afganistan.

Dhanka kale afhayeen u hadlay ciidanka NATO ee ku sugan dalka Afghanistan ayaa ku tilmaamay warbixintaas in ay tahay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Inkastoo dhambaal sir ah oo uu soo bandhigay website-ka Wikileaks lagu sheegay in dowladda Pakistan ay diyaar u tahay in ay gacan ka siiso dowladda mareykanka howlgalada dhanka dhulka ah , haddana waxaa jira warar sheegaya in dowladda Pakistan aysan raali ka ahayn in ciidamo mareykan ah ay howlgalo dhulka ah ka fuliyaan deegaanada kulaala xadka ay wadaagaan dalalka Afghanistan iyo Pakistan.

Saraakiisha mareykanka ayaa tilmaamay in howlgalada noocaas oo kale ay ciidankooda ka caawin doonto in ay helaan xog ku aadan goobaha ay ku dhuumaalaysanayaan hogaanka ugu sareeya ururka Al-qaacida.

Allhoryaal @USA

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey