Saturday, December 25, 2010

Isku aadka Ciyaaraha ee Gobolada Soomaaliya Quarter-finals

Sideed gobol oo kamid ahaa 15-kii gobol ee ku tartamaayey horyaalka gobolada Soomaaliya 2010 ayaa maanta la shaaciyey qaabka ay u wada ciyaari doonaan, waxaana ay bilaaban doonaan maalinta berri ah, oo ay is arki doonaan 4 gobol kuwaas oo labadii soo baxaa

 ay isku arki doonaan ciyaarta Semi Final-ka
Maalint berri ah (26.12.2010)  waxaa wada ciyaari doona gobolada:
  • Nugaal vs Mudug
  • Banaadir vs Hiiraan
Afartan gobol ayaa labadii soo baxdaa ay isku dhacayaan, maalinta berri ah ayaa amaanka aad loo adkeynayaa sida aan ka soo xiganayno saraakiil amaanka qaabilsan maadaama ciyaarta Nugaal iyo Mudug ay tahay mid ay ka soo qaybgalayaan taageerayaal aad u faro badan waxaana ilaa maanta ku soo qul qulaayey magaalada Garoowe taageerayasha Gobolka Mudug.
Afatra gobol ee kale ayaa iyaguna sidaan isugu aadaya, waxaana ay dhici doonaan 27.12.2010.
  • Shabelada Dhexe vs Jubada Hoose
  • Bari vs Baay
Waa markii u horeysey muddo 23 sano ah oo la qabto ciyaaraha gobolada Soomaaliya, waxaana arintan iska kaalmeystey xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya iyo Dawladda Puntland oo martigelisey.

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey