Friday, December 17, 2010

Isku aadka Gobolada maanta Iyo Ciyaaraha Gobolada Soomaaliya ee Puntland

Ciyaaraha gobolada dalka Soomaaliya ayaa galay maalintiisa saddexaad,waxaana maanta ciyaaraya afar kooxood oo kuwada jira Group-ka saddexaad ama Group C.
Xulalka gobolada ee lagu wado in ay maanta wada ciyaaraan ayaa kala ah;


Gobolka Bari Vs Gobolka Jubadda Dhexe

Gobolka Shabeelada Dhexe Vs Gobolka Bakool

Ciyaarta kowaad ayaa bilaabman doonta 2-da duhurniimo,waxaana ciyaari doona xulka gobolka Bari iyo Xulka Jubadda dhexe.

Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland waxaa fiidnimadii xalay gaarey Wefdi u horkacaayo Gudoomiyaha gobolka Bari Sh.Cabdixaafid Cali Yuusuf halkaas oo uu utegay inuu dhiirageliyo ciyaartoyda gobolka Bari.

Ciyaaraha gobolada Soomaaliya ayaa noqotay mid hadal hayn badan,waxaana ciyaarihi shalay dhacay ay ahaayeen kuwa xiiso badan xanbaarsanaa isla markaana kusoo dhamaaday barbardhac labada ciyaarba,waxaana shalay kooxaha kulmay ay kuwada jiraan Group-ka labaad ee B.

Allhoryaal
Garoowe

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey